Afar Ka mid ah Kooxaha Kubbadda Cagta Somaliland oo la Ganaaxay

0
591

Hargeysa (Dawan)- Guddida Anshaxa iyo Dacwaddaha ee XKCSL,  ayaa ganaaxyo dul-dhigay  naadiyada D.P World Berbera, Ciidanka Asluubta  iyo Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaraar ka soo baxay guddida Anshaxa ee XKCSL waxaa uu u dhignaa sidan:

  1. Naaddiga D.P World Berbera waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 6,375,000/Somaliland Shilin, , ugu dambeyna waa in ay ku soo bixiyaan 15 August 2020
  2. Naaddiga Ciidanka Asluubta waxaa lagu ganaaxay Ganaaxyadan

 Guud ahaanba in laga joojiyo inay ka qeyb-galaan tartanka ugu soo horeeya ee XKCSL uu qabanayo

 In Guddoomiyaha naaddiga Asluubta Cabdirisaaq Axmed Aadan ciyaaraha laga Ganaaxay muddo shal sanno, oo ka bilaabmaya 16 July 2020 ilaa 16 July 2021

 Ganaax lacageed oo dhan 10,000,000/sl.shilling (Toban Milyan oo Sl.Shilling).

  1. Naaddiga Wasaaradda Biyaha waxaa lagu ganaaxay Ganaaxyadan

 Guud ahaanba in laga joojiyo inay ka qeyb-galaan tartanka ugu soo horeeya ee XKCSL uu qabanayo

 In Guddoomiyaha naaddiga Wasaaradda Biyaha Siciid Axmed Ismaaciil ciyaaraha laga Ganaaxay muddo hal sanno, oo ka bilaabmaya 16 July 2020 ilaa 16 July 2021

 Ganaax lacageed oo dhan 10,000,000/sl.shilling (Toban Milyan oo Sl.Shilling).

Wabilaahi Tawfiiq.

Guddida Anshaxa iyo Dacwaddaha ee XKCSL:

  1. Cismaan Madar Samatar
  2. Axmed Cabdi Muxumed
  3. Deeq Cabdilaahi Saban
  4. Sahra Xasan Cigaal
  5. Maxamed Yuusuf Cabdi

 

Leave a Reply