Xukuumadda iyo Culimada oo ka Wada Hadlay Maamul Wanaaga

0
562

Hargeysa (Dawan)-Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland, ayaa qaar ka mida culimada dalka u qabtay kulan ku saabsan doorka culimadu ka qaadan karto maamul wanaaga dalka.

Kulankaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo qaar ka mida culimada dalka waxa hadalo ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka komishanka maamul wanaaga iyo la daagalnka musuq-maasuqa Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale, waxaanu sheegay in ujeedada kulanaas ay ugu qabteen culimadu ay tahay in komishanku culimada dalka warbixin ka siiyo sida komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqu u shaqeeyo, inay culimadu qayb ka qaataan dedaalada ku saabsan maamul wanaaga ee komishanku dalka ka wado iyo in culimadu bulshada u soo bandhigaan sida diinteenu u dhiirigalisay maamul wanaaga.

Guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland Dayib Xaaji Cali, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo bixi doonaan qodobo kor loogu qaado maamul wanaaga dalka, kuwaas oo komishanka maamul wanaagu fulin doono, waxaanu intaas intaas ku daray in kulanada noocan ahi ay sii socon doonaan.

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha maamul wanaagu sheegay in ka guddi ahaan ay sii wadi doonaan arrimaha ku saabsan toosinta maamulka dawlada iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, iyaga oo kaashanaaya cidkasta oo gacan ka gaysan karta arrintaas sida culimada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed, wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, oo halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay dedaalada ku saabsan dhanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa ee ay wadaan komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland, kuwaas oo ay xuseen in mudooyinkii u dambeeyay ay dar-dar galiyeen shaqada ay qaranka u hayaan, iyaga oo intaas ku daray in kulankaas ay u qabteen culimadu uu yahay mid loo baahnaa, maadaama oo culimadu ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan ee bulshada.

 

Leave a Reply