Jamhuuriyadda Somaliland oo shaacisay Furitaanka Xafiiskeedii Taiwan

0
691

Taipei (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay xilliga ay furanayso Xafiiskeedii dalka Taiwan.

 

Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa Warbaahinta Taiwan u xaqiijiyey in Xafiiskii Jamhuuriyadda Somaliland ku yeelanayso dalkaas si rasmi ah loo furi doono 9ka Bisha September ee fooda innagu soo haysa. Waxaanu iftiimiyey inay socoto hawshii u furitaanka xafiiskaas.

 

Danjire Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud wuxuu intaas ku daray in hawl wadeenno shan xubnood ka kooban oo laba ka mid ah laga qaadanayo Taiwan ay ka hawlgeli doonaan Safaaradda Somaliland ee Taiwan.

 

Safiirku wuxuu xusay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu ka turjumayo heshiiskii ay horaantii sannadkan kala saxeexdeen Wasiirrada Arrimaha Dibada ee labada dal, kaasi oo dhigayey in la is weydaarsado Xafiisyada labada Wakiil.

 

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Taiwan ayaa gaadhay caasimadda dalkaasi ee Taipei 7dii Bishan.

 

Taiwan ayaa xafiiskeeda Somaliland furatay 17kii bishan, waxaana ka qayb galay madax iyo diblomaasiyiin ka soo kala jeeda labada Dawladood ee Somaliland iyo Taiwan, waxaanay ka wada shaqeynayaan mashaariic ay ka mid yihiin Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta, Tamarta iyo Wada-xidhiidhka.

Leave a Reply