Guddoomiye Cirro oo Mar kale Ballanqaad u Sameeyay Beelaha Gabooye

0
483

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mar kale balan qaad ugu celiyey beelaha sheegta hayb-sooca kaasi oo uu hore ugu balanqaaday in uu siinayo wasiirka ugu horeeya Xukuumaddiisa haddii uu ku guulaysto hoggaanka Dalka .

 

Cirro oo Xalay ka qeybgalnay munaasibad lagu soo bandhigayey Documentary laga diyaariyey Beelaha Gabooye ayaa sheegay in ay ka go’an tahay garab istaagga iyo iskaashi, islamarkaana Xisbiga qorshihiisa dhow iyo kiisa fog-ba  ay ku jiraan sidii Beelaha Gabooye ay u heli lahaayeen wax kasta oo caddaalad ah oo ka maqan sida ay sheegtaan iyo sidii ay sinnaan buuxda ula dareemi lahaayeen beelaha dhigooda ah ee dalkan Ilaahay ku wada beeray.

Leave a Reply