Hargeysa oo laga Daahfuray Tartan Ciyaaraha Hidaha Iyo Dhaqanka

0
574

Hargeysa-(Dawan)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xarunta warfaafinta ka furay tartanka lagu soo xulayo kooxda habmaamuuska qaranka ee ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Waxaana tartankaas ka soo qayb galay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda, kooxaha tartanka loo qabtay ee ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo masuuliyiin kale, ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda wakaaladda wararka Somaliland ee solna Cumar Maxamed Faarax, oo ku hadlayey afka agaasime waaxeedyadda wasaaradda warfaafinta, isaga oo hambalyeeyey waaxda dhaqanka ee wasaaradda oo iyadu tartankaas soo qaban qaabisay, wuxuuna tilmaamay in ay waaxdaasi muujisay dedaal wax qabad, waxa kale oo agaasime Cumar Maxamed Faarax, tilmaamay in kooxdaas loo xulayo habmaamuuska qaranka ee ciyaaraha hidaha iyo dhaqanku ay wax badan mustaqbalka ku soo kordhindoonto qaranka.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadashay agaasime ku xigeenka waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Fadxiya Axmed Jimcaale, oo sheegtay in waaxdoodu ay tartankaas soo qaban qaabisay ujeedada laga leeyahayna ay tahay  in la soo saaro koox qaranka u matasha habmaamuuska ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, isla markaana ay tahay markii ugu horeysay ee ay wasaaradda warfaafintu qabato tartan noocan oo kale ah, waxayna bogaadisay masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda oo ay tilmaantay in ay gacan ka geysteen qabsoomida tartankaas iyo kooxaha ka qayb qaadanaya tartankaas.

Gabogabadii waxa madashaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo faahfaahin ka bixiyey waajibaadka ay wasaaradda warfaafintu qaranka u hayso, wuxuuna xusay in ciyaaraha hidaha iyo dhaqanku ka mid yihiin hawlaha ay qaranka uga masuulka tahay wasaaraddu isla markaana ay tahay inay kor u qaadaan, isaga oo intaas raaciyey in tartankan la wada gaadhsiin doono gobollada dalka guud ahaan, wuxuuna cadeeyey in masuuliyiinta ugu sareysa ee wasaaradda warfaafnta ay ka go’an tahay sidii loo dardar galin lahaa guud ahaan waajibaadka shaqo ee wasaaraddu qaranka u hayso.

Tartankan ayey ku tartamayaan shan kooxood oo ah kooxaha ciyaaraha hidaha iyo dhanka, kuwaas oo kala ah Anshax, Dalmar Band, Sooyaal, Cultural Band iyo Dhaayaha, waxaana kala saaraysa guddi gaar ah oo loo xilsaaray kala saarista kooxahaas wuxuuna tartankaasi socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Leave a Reply