Urur-goboleedka IGAD oo shir ku saabsan Xalinta khilaafaadka iyo dhismaha nabadda ka furay Laascaanood

0
680

“Shirkani wuxuu ku saabsan yahay ka-hortagga Khilaafka, dhismaha nabadda iyo maamulka nabadda. amniga ayaa ka horeeya Iimaanka, horumarkuna wuxuu ku xidhan yahay amniga..”Wakiilka Urur-goboleedka IGAD Amb. Cali Shoombe

Qore. Saleeban Kalshaale

Laascaanood(Dawan)-Ergooyin ka socda gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa magaalada Laascaanood waxa maanta looga furay shir ku saabsan xalinta khilaafaadka iyo dhismaha nabad-gelyada, kaasoo uu soo qabanqaabiyey Urur-goboleedka IGAD oo kaashanaya Hay’adda Mucaawimooyinka u qaabilsan Boqortooyada Ingiriiska ee UK Aid.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah,waxa furay Badhasaabka Gobolka Sool iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Ururka IGAD, waxaana ka qaybgelaya ergooyin isugu jira Rag iyo Haween loo xushay in ay noqdaan danjireyaal ka shaqeeya arrimaha nabad-gelyada iyo xalinta khilaafka bulshada dhexdeeda ka dhaca, kuwaasoo inta uu shirkaasi socdo lagu baraarujin doono qaababka looga hortaggo mushkiladaha colaadda abuura iyo xalinta khilaafaadka.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Maayirka Magaalada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo ugu furitaankii shirkaasi ka hadlay, ayaa ku tilmaamay shirkan mid ahmiyad khaasa u leh gobolada laga soo xullay ergada ka qaybgelaysa, iyagoo tilmaamay in uu wax weyn ka tari doono xal u helida dhibaatooyinka nabad-gelyada liddiga ku ah ee soo noq-noqda.
“Shirkan waxa loo qabtay in labadan gobol ee Sool iyo Sanaag oo naanayso badan oo xagga nabad-gelyada ah lagu sheego, lagaga saaro oo horumarka iyo nabadgelyada lagu dhiiri-geliyo”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay.
Geestiisa Maayirka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen, ayaa tilmaamay ” waa maalin Taariikhi ah in Magaalada Laascaanood marti-geliso shir uu soo qaban qaabiyey Urur goboleedka IGAD oo ah Urur ay dalal badani ku bahoobeen, guul iyo sharafbay inoo tahay”ayuu yidhi Maayir Taarwale.

Wakiilka Urur-goboleedka IGAD ee Somaliland Ambasadoor Cali Xuseen Ismaciil(Cali shoombe), oo ka hadlay xaflada furitaanka Shirkaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada ururka IGAD shirkan u qabtay iyo sababta loogu xushay gobolada Sool iyo Sanaag.
Cali Shoombe, ayaa sheegay in hirgelinta shirkan xafiiskiisu daba socday wakhti badan, isla markaana looga gol leeyahay dhismaha nabad-gelyadu in uu furre u noqdo mashaariicda horumarinta ee caalamiga ah.
“Shirkani wuxuu ku saabsan yahay ka-hortagga Khilaafka, dhismaha nabadda iyo maamulka nabadda. amniga ayaa ka horeeya Iimaanka, horumarkuna wuxuu ku xidhan yahay amniga. Iminka IGAD ahaan waxaanu dabada ka riixaynay ilaa markii Tuka-raq arrinteedu bilaabantay sidii halkan loo soo eeggi lahaa ee wax loogu qaban lahaa, maadaama uu ururka ay ku midoobeen siddeed dal oo Afrika ah in uu noqdo furaha nabadda.
Amniga marka la helo waxa ku xiga oo Urur goboleedku nala qaatay in marka nabad-gelyo la helo ee la arko in dadkii deegaanku in ay nabad-gelyadii diyaar u yihiin, in mashaariic horumarka khuseeya laga hirgeliyo halkan”ayuu yidhi Wakiilka Urur-goboleedka IGAD Ambasadoor Cali Shoombe.

Dhanka kale, masuuliyiinta Ururka IGAD iyo madaxda dawladda ee ka qaybgalay furitaanka Shirku, waxa ay kula dardaarmeen ka qaybgaleyaasha in ay weeleeyaan aqoonta iyo tallooyinka loogu gudbiyo kulan-aqooneedkan, isla markaana marka ay dib ugu noqdaan deegaamadii ay ka yimaadeena bulshada kalena gaadhsiiyaan.

Waxa kale oo ay waayeelka iyo waxgaradka shirka loo qabtay si gaar ah ugu adkeeyeen in ay si daacadnimo iyo damqasho leh uga shaqeeyaan adkaynta nabad-gelyada iyo xalinta wax kasta oo sabab u noqon kara isku-dhac bulsho.

Halkan ka Daawo Muuqaal

Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli labada gobol ee ka qaybgelayaasha shirka laga soo xullay ay dhacayeen sanadihii u dambeeyey shaqaaqooyin ehli ah oo caqabad ku noqday xasiloonida deegaanka iyo horumarka bulshada.

Leave a Reply