Xaafadda Sheekh Cumar: Arday Duruufo Isbarkaday U Waayay Dugsi Sare

0
775

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Waalidiinta ku nool xaafadda Sheekh Cumar ee  magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ubadkoodu aanu heysan dugsi sare oo ay wax ku bartaan, islamarkaana aanay awoodi karin gaadiid raaca joogtada ah ee dhawrka goora, ee ilmuhu u baahan yahay in iskuulada ka durugsan ee sare ay ku gaadhaan.

Waalidiintaasi waxaa ay codsadeen in baahida waxbarasho ee ubadkooda la soo diristay wax laga qabto, hoosna loo eego inta duruufta nololeed  ee qoysaskoodu u saamixi weyday inay ubadkooda ka bixiyaan xata dugsiga hoose dhexe ee xaafada ku yaala bishiisa.

Waalidiintan oo si  dareen leh uga hadlayay saameynta dugsi la’aanta sare ubadkooda ku yeelatay ayaa sheegay in carruurtoodu guryaha u dhex fadhiyaan, ama bannaanada iska joogaan, kolkii ay waayeen iskuul ay uga gudbaan dugsiga dhexe ee ay dhammeysteen.

 

Hooyo Caasha Cali Maxamed oo ka dareen celinaysa waxbarasho la’aanta ubadkeeda waxaa ay tidhi  “Imika carruurta ka baxda fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe waxa jira waalid badan oo aan u helayn bishi baskii oo kale, basbu doonaya, nusasaace ayuu doonayaa, rafaad ayuu gelayaa dugsigii sare waa uu ka lacag badan yahay kan hoose dhexe ee 25-ka nalaga qaadayo.

Waxaa dhacda in marka uu iskuulkan xaafaddayada ka baxo in uu gurigaba noo fadhiisto mar haddii aanad heynba dhaqaalihii, wuu iska fadhiisanayaa ilmihii, marka waxaan ka codsanayna wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska in ay iskuulka noo ballaadhiyaan,  oo aanu kaga maarano fogaanshiyaha iyo bas-raaca”

“Xaafaddayadu dugsi sare malaha in aanu baska saarno carruurtayada oo ay magaaladii wax ka soo bartaan suurtogal maaha,  sababto ah magaaladii waanu ka soo fogaanay, waxaa aanu nahay danyar baska labada jeer ma heli karno nusasaace iska daaye in aanu u helo wax aanu gaadiidka dadweynaha kaga bixino, iskuulkayagu ma dayactirna oo waa uu dayacan yahay, ku sare iska daaye kuwii hoose ayaan dayr laheyn oo aan dhammeystirnayn.

Waxaa aanu dooneyna in hoos na loo eego waxaanu doonayna in dugsi sare na loo dhiso, oo inta danyarta ah ee waxbarashada awoodi weydayna dawladu hoos u soo eegto”Ayey tidhi Hooyo Caasha Maxamuud Hoorri ka mid aheyd waalidiinta warbaahinta la hadashay.

Aabbo Cabdikariim Xuseen Iidle oo ka mid ahaa waalidiinta warbaahinta la hadashay oo si  dareen leh uga hadlayay saameynta dugsi la’aanta sare ubadkooda ku yeelatay ayaa sheegay in carruurtoodu guryaha u dhex fadhiyaan, ama bannaanada iska joogaan, kolkii ay waayeen iskuul ay uga gudbaan dugsiga dhexe ee ay dhammeysteen “Carruurta bas loo waayo ee awoodda waxbarashada dugsiga sare loo waayo mustaqbalkoodu waa kuwa Tv-yada iska daawanaya ee daaradaha xaafaddaha uun iska fadhiyaan, wax allaale wax ay qabtaana ma jiraan oo way iska wada joogaan.

Dhawr cisho marka aad baskii ka bixiso, ee aad u weydo ilayn basku waa muddo joogta ah waxaa ay noqonaysan in ilmihii waxbarashadu ka kala godo halkaasina uu kaga hadho tacliintii uu dhiganayay, sidaasi darteed waxaanu codsaneyna in arrintayada hoos loo eego”

Xaafadda Sheekh Cumar: Arday Duruufo Isbarkaday U Waayay Dugsi Sare/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply