Kiisas Cusub Oo Xanuunka Covid-19 Ka Oo Somaliland Laga Helay

0
537

Boorama (Dawan): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in baadhitaano la sameeyay saddexdii maalmood ee u danbeeyay dalka laga helay in la helay kiisas cusub oo caabuqa Coronvirus ah.

Kadib markii baadhitaanno lagu sameeyay dad gaadhaya 400 boqol (afar boqol) oo qof, kuwaasoo laga baadhay xanuunka Covid-19. Iyadoo laba qof oo ka mida dadka la baadhay laga helay xanuunkaasi.

Sidaasinawaxaa sheegay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed Yuusuf, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu safar shaqo ku joogo.

Waxaanu yidhi,  “Saddexdii maalmood ee u danbeeyay waxaa cudurka Coronavirus laga baadhay, dad tirradoodu gaadhayso 353 qof. Laba qof oo keliya ayaana laga helay. Labadaa qof na magaaladda Hargaysa ayay degan yihiin. Waana laba qof Ragg ah. Waana muwaadiniin reer Somaliland ah.

Labadaa qof da’doodu mid waa 20 ilaa 29 jir. Midka kale-na da’adiisu waa 40 ilaa 49 jir. Wax dhimasho ahi mudadaa ma jirin”.

Xuseen Maxamed Yuusuf, waxa kaloo uu ka warbixiyay guud ahaanba tirrada dadka laga baadhay caabuqa Coronavirus, tirrada laga helay iyo inta u dhimatay tan iyo intii la shaaciyay in uu Somaliland ka jira xanuunkaasi.

“Hadaba tiradda guud ee cudurka laga shay-baadhay mudadii uu jiray waa 7359 qof. Tiradaa la baadhay, waxa cudurka laga helay,  895 qof. Xagga dhimashadda, isu-gaynta tiradda intii xanuunku jiray, dadka u dhintay waa 30 qof. Waa inta la xaqiijiyay in ay u dhinteen Coronavirus.

Tirradda guud ee inta xanuunka Covid-19 ka bogsatay, ee la og yahay-na waa 889 qof” ayuu yidhi Xuseen Maxamed Yuusuf.

Geesta kale Xuseen Maxamed Yuusuf, ayaa ku baaqay in maadaama oo weli xanuunkaasi uu dalka ka jiro in loo baahan yahay in halkii laga sii waddo wacyigelintiisii.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maadaama oo weli xanuunkii dadka ku dhex jiro, cudur si fudud la isku qaadsiinayo-na uu yahay, in wacygelintii halkeedii laga wado. Dadku-na ay ku dhaqmaan”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply