Midowga Yurub oo sheegey in la ilaaliyo heshiiskii Iran

0
517

Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub oo hoggaaminaysa wadahadallo u dhexeeya Iran iyo shan dal ayaa sheegtay in ka qeyb-galayaasha ay ka go’an tahay in uu sii noolaado heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii kaasi oo xaddidayay barnaamijka nukliyeerka Iran si dalkaasi looga qaado cunaqabateynta.

Helga Schmid ayaa boggeeda Twitter-ka ku qortay ka dib kulan ka dhacay magaalada Vienna in ka qeybgalayaashu ay ka mideysan yihiin go’aanka ah in la ilaaliyo heshiiska Iran, oo loo helana waddo lagu hubiyo in si buuxda loo dhaqan galiyo heshiiska in kastoo ay caqabado haatan jiraan.

Heshiiska ayaa sannadkii hore waxaa soo wajahay culeys ka dib markii Iran ay ku dhawaaqday in ay qaadi doonto talaabooyin ay kaga baxeyso balanqaadyadeedii, iyadoo ka cabaneysa in aysan helin taageeradii dhaqaale ee loo balan qaaday ka dib markii Mareykanka uu saaray cunaqabateyn cusub.

Cunaqabateyntan ayaa timid markii 2018-kii uu maamulka Trump uu ka baxay heshiiska, isagoo ku dooday in ay aad u yar tahay in Iran laga hor istaago in ay hormariso hubka niyuukleerka.

Iran ayaa beenisay in ay ka shaqeysay sameynta hubka Nukliyeerka, waxayna sheegtay in ay awood u leedahay ayna diyaar u tahay in ay ka laabato talaabooyinka ay qaaday si ay uga baxdo heshiiska. Xubna ka socda dowladaha Britain, China, Russia, France iyo Germany ayaa ka qeybgalay kulankii Talaadadii shalay taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu badbaadinayo heshiiska nuclear-ka Iran.

Leave a Reply