Wasiirka Beeraha oo Shubay lacagta Shuruudaha looga Dhigay Tartanka Hogaanka Xisbiga Kulmiye

0
493

Hargeysa (Dawan)  Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed ayaa oo ka mida siyaasiyiinta damacu ka hayo kursiga guddoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa la sheegay in uu shubay lacagtii ay guddida qaban-qaabadu shuruudda kaga dhigeen ciddii tartanka ka qayb galeysa.

Wasiirka beeraha ee tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray oo ah shaqsi ku cusub tartarnka xisbiga ayaa xiisa gaara u yeelaysa baratanka loogu jiro, guddoomiiye ku xigeenka afraad ee xisbul xaakimka.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa saaka oo khamiis ah wararku sheegayaan in uu shubay kharashaadkii shuruudda looga dhigay u tartamida hogaanka xisbiga.

Wasiirka Beeraha oo Shubay lacagta Shuruudaha looga Dhigay Tartanka Hogaanka Xisbiga KULMIYE/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply