Goleyaasha Qaranka oo la Dagaalanka Maandooriyaha u Cuskaday Shareecada Diinta Islaamka

0
527

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) – Golaha guurtidda Somaliland ayaa si adag uga dooday xeerka la dagaalanka maandooriyaha, islamarkaana soo jeediyay in la dhaqangeliyo qodob aad mihiim ugu ah maandooriyaha oo ku jira xeerkan, qodobkaasi oo ah in la jeedalo keenaha, cabbaha iyo iibiyaha.
.
Sidoo kale mudaneyaashu waxaa ay intaas ku dareen in fulinta ciqaabta jeeldalka oo fagaare lagu karbaasha in ay wax weyn ka tareyso joojinta mukhaadaraadka Diin ahaan xaaraanta ah, taas oo waafaqsan shareecada Islaamka ahna xukun diiniya oo ilaa asxaabihii lagu dhaqmayay.

Xildhibaanada Cumar Nuur Waaye, golaha guurtidda oo doodaassi ka qayb qaadanayay ayaa sheegay in Somalidu fadeexada neceb tahay, marka ay dhacdo in fagaare lagu karbaasho cidii lagu qabto Maandooriye inuu hakan doono istimcaalkiisu.

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray in Jeedalku ka waxtar badan xukun xadhig oo kasta oo lagu rido, sababto ah marka qofkii fagaare lagu karbaasho ee ciddi xukunka fulineysay joogto dadweynahana hore loogu sii wargeliyay in cidd la karbaashao taasi waxaa ay keenay in dadka isticmaala ka caagan Maandooriyaha dalkuna ka badbaado halista darooga, da’yarta faraha baas ku haysa.

Xildhibaanada Cumar Nuur Waaye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Masaajidada marka maalinta saalada Jimcaha la isugu yimaado ayay ku habboon tahay dad cayiman inay leedahay oo la og yahay, arrinkaasi waa xoojin Somalidu waa ay baqdaaye ma xishooto oo xishoodku waa iskaga yar yahay, inanka waxaasi maqlaana waxaasi wuu daynayaa markaa waxaan leeyahay arrintaasi aan xoojino.
Ta kale hantiilaha guriga sida uu ku danbiyoobayo iyo sida kale, nin guri leh ayaa gurigiisi Maandooriye lagu iibinayaa, kaasi hadii uu xog ogaal u yahay danbiile ayuu noqonayaa, hadii aanu ogeynse danbiile noqon maayo taasina waa in ay wax cad noqota, gaadhiga laftiisu waa la mid hadii cida gaadhigaasi wadaa ay ku soo qaado wax aanu ogeyn ninka gaadhiga lihi”

Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac ayaa soo jeediyay in si qodobkaasi loo dabaqo loona maro hannaankii loo mari jiray xiligii Islaamku dunida ka talinayay “Mukhaadaraadku imika dalka xoogbu u soo galay, si aan qumaneyn ayuu inoogu dhex jiraa, keenitaan dibadaha laga keena sahaalo ayay ahaan laheyde imika waa la beeray guryo badan oo ku dhawaad 20-sano dad ajaanib ahi ilaaliyaan oo laga dhex beeray ayaa jira, beerihii ayaa laga beeray, ciyaalkii iskuulka ayaa imika maandooriyaha aad u isticmaala, noocyada kala duwan ee Maandooriyuhu xoog ayay inoo dhex qaaday, marka waxaan leeyahay maaddama uu caynkaasi yahay.

Anigu waan ayidsanahay xeerka 40-ka Jeedal qofka lagu dhufanayo, xadhig iyo wixii la mida dadku kuma joogayaan, balse hadii la yidhaaho waa lagu karbaashaya wuu iska daynayaa waxaa uu sameynayo ee uu cabayo ah noocyada kala gadisan ee Maandooriyaha, marka qodobkaasi waa mid sharciya ciddina ma baddeli karto, qofka marka Jeedalka lagu fulinayana waa in sidii shareecada Diinta Islaamka berigii hore wax loogu fulin jiray, waxaa la odhan jiray wakhtigii hore hebel iyo hebel ayaa la karbaashayaaye ha loo soo baxo, marka meel shaaraca oo masaajidada hortooda ah ha lagu karbaasho, dadkana ha loo sii sheego in la karbaashayo, marka qodobkaasi oo la dhiirigeliyo oo la meel mariyo”

Xeerkan ayaa hore uga soo gudbay golaha wakiillada, haddana dooddiisu ka socota golaha odayaasha, xeerkaasi oo la doonayo in dalka lagaga cidhibtiro Maandooriyaha islamarkaana lagu ciqaabayo cidkasta oo lagu qabto.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply