“Tallaabo ayaan ka qaadaynaa ganacsatadda ku xad-gudbay sicirka baanka dhexe”….

0
477

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahim (Baqdaadi), ayaa digniin u diray ganacsatadda wax ku iibiya qiime aan ahayn ka uu baanka dhexe soo saaray.
Waxaanu sheegay in ay jiraan ganacsato ku xad-gudbay isku bedelka qiimaha sarifka lacagaha dollarka iyo shillinka Somaliland.
Isagoona balan qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan meherradaha iyo ganacsatadda wax ku iibiya sicir aan ahayn midka uu baanka dhexe soo saarro.
Cali Ibraahim Baqdaadi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu abaalmarinayay shaqaalaha baanka dhexe ee Somaliland lagu qabtay magaaladda Hargaysa.
Guddoomiye Baqdaadi, ayaa ka warbixinayay heerarkii uu soo maray jaan-goynta sicirka isku bedelka lacagta Somaliland iyo dollarka.

Daawo: Baqdaadi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply