Qorshaynta Dhulka Danta Guud Oo Laga Bilaabay Laascaanood

0
556

Laascaanood (Dawan): Wasiirka Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa kulan la qaatay golaha deegaanka degmadda Laascaanood.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii wasaaradda Hawlaha guud uga jari lahayd dhulka danta guud loo qorsheeyay.
Sidoo kale sidii loo kala saari lahaa Wixii dhulka ay dadka shacabka ah leeyiyiin iyo dhulka dawladu leedahay.

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee Laascaanood goob joog ka ahaa maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, badhasaabka gobolka Sool iyo xildhibaanadda golaha deegaanka Laascaanood iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda hawlaha guud.


Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa sheegay in Injineero wasaaradda ka socdaa ay fulin doonaan.
Waxaanu xildhibaanadda ka codsaday inay hawsha qaybtooda ka qaataan, isla markaana ay dadweynaha magaaladda wacyigeliyaan.
Halkan Ka Daawo Kulankaasi iyo Hadaladii Ay Masuuliyiintu Ka Jeediyeen:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply