“Waa Wararka Shaydaanka” Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland

0
715

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Maxliga ah kuwaasi oo la xidhiidhay in diinta kiristaan wax lagu barto gudaha Somaliland iyo in gobolada qaar laga furay Kiniisado .

 

Wasiir Khaliil ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwa shaydaanka , waxa sheegay in maxkamad lala tiigsanaayo dadka wararkaasi baahi . “Waad maqlayseen maalmo dhawayd qolyo lahaa Kiniisad ayaa Hargeysa ka jirta , buugaagta kiristaanka wax lagu bartaa waxaas oo dhan waa calaamadaha shaydaanka . meel Caruurteena Kiristaan loogu dhigaa ma jirto taa qalbiga ka saara . cidda qortayna maxkamada ayeynu la tiigsanaynaa waayo waxa ay umaddan la doonayaan in ay dhahaan waa umad gaala.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa bulshada ugu baaqay in aanay faafin wararka wax u dhimaa diinteena Suubaan , umaddana kala fogaynaaya waxana uu yidhi “Waxa meelaha lagu qoro marka aad maqashaan haysku maqlin oo ha sii dirdirina ee dalka wixii wanaag ah af iyo adinba aynu isku kaalmaysano “

Leave a Reply