Somaliland: Halista Safarka Habeennimo iyo Booyadaha Dhan Walba ujeedka Ah

0
684

Wax-ka-qabasho la’aanta laydhadhka kala Duwan ee gaadiidka iyo halista shilalka

Qore Faysal Xiis Weerar

Berbera (Dawan) Guud ahaan dadweynaha reer Somaliland waxaa ay markasta hadal hayaan kuna rajo weyn yihiin in laga bixi doono khasaaraha shilalka gaadiidka marka wadooyin la helo, balse taasi baddelkeedu waxay tahay in shilalka gaadiidku jirayaan inta aan la helin sharci xakameeya, wadayaasha gaadiidka islamarkaana meesha ka saara noocyada laydhadhka kala duwan ee halista ku ah waddo marista gaadiidka.

Hada waxaa gacanta lagu haya oo dhismaheedu socda jidka weyn ee balaadhan ee isku xidha Berbera iyo Hargeysa, iyada oo la sameeyay lana dhammeystiray Hargeysa iyo Aw Barkhadle, Aw Barkhadle ilaa Abdaala dhismaheedu socdo waddadii horena la laabay lana maro jid rafa oo wadada dhinaceeda ah.

Ugu horeyn Hargeysa ilaa Aw Barkhadle waxaa ku hagaysa waddada laamiga ah ee la sameeyay,  mar qudhana kama baxaysid calaamadaha iyo tilmaamaha jid caalamiya lagu yaqaano, meesha la isku dhaafayo, halkaan la isku waydaaranayn iyo hadba inta xawaaraha aad ku soconayso dirawalku waxaa uu helayaa hagayaal waddada ku yaala balse ma u hogaansamayaa? .

Halis kale oo ka jirta isu socodka gaadiidka ayaa ah laydhadhka kala duwan ee baabuurta lagu kordhiyay, ee baabuurkasta ku cawarayo gaadhiga ka hor yimaada, taasi oo wadaha u diidaysa in uu si fiican u arko hadkii uu marayay, xiliyada qaar hadii aanu istaagina halis badan kala kulmi karo, gaadhigaaas iyo dadka uu sidaaba, waxaana nasiib daro ah in indhahaasi kala duwan ee dheeraadka ku ah baabuurta xili kasta ay ku marayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada amaanku waxna aan laga qaban.

Waxaa kale oo dhibaato ah booyadaha inta badan caasimada Hargeysa biyaha u dhaammiya oo hadii uu ka horeeyo iyo hadii uu ka danbeeyo indhihiisa xagga danbe ku xidhani nuurka kaa qaadayaan, oo aanad garanayn gaadhi sii socda iyo mid soo socda waxaa uu yahay, hadii uu ka hor yimaadana ilaa uu ku waydaarto ay dhib kugu tahay in aad si nabadgeliyo ah ku dhaafi karto, sababto ah laydhadhka uu ku safraya maaha kuwa laba gaadhi isku waydaaran karaan.

Hadaba waxaa la gudboon ciidamada amaanka gaar ahaan ciidamada nabad-galyadda waddooyinka in ay tallaabo ka qaadan wadayaasha baabuurta ay waddaan ku xidhay laydhadhka xad dhaafka ah ee midabada kala duwan ee aan gaadhi kale waydaaran karin, waxaana habboon in baabuurta lagu ilaaliyo laydhadhka loogu tallo galay oo kaliya in ay ku safraan, si meesha looga saaro shilalka gaadiidka ee ay keeni karaan laydhadhka kala duwani, ee midadaba sida laysarka uga dhex baxaya gaadhiga kale ee waydaaranaya.

Leave a Reply