Hargeysa: Ciidanka Dabdsmiska oo ugurmaday Dad guri ku Dumay

0
524

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa habeenimadii xalay abaaro 2:00 am gurmad samatabixina u fidiyay Shaqaale dhisme oo uu ku soo dumay Masaajid ay shubayeen dabaqa labaad degmada Ibraahim Koodbuur gaar ahaan ka soo horjeedka Grand Haadi Hotel.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dhaawaca ka soo daad-gureeyaan gudaha hore ee dhismaha, waxaana dhaawacyadaasi kala ahaayeen hal qof oo dhabarka ka jabay koomana ku jira, qof labada lugood iyo labada gacmood ba ka jabay, mid isha hoosteeda dhaawac ka soo gaadhay, laba ruux oo lugta midig ka jabay, mid gadhka hoostiisa dhaawac fudu ka soo gaadhay iyo inta kale oo dhaawacyo fudud soo gaadheen.

Shaqaalahan ayaa guud ahaan ka koobnaa 25 xubnood 14 Kuuli iyo 11 Wastaad una shaqaynayay shirkada Buste Engineering oo ka shaqaysa shubka dabaqyada.Ciidanka oo kaashanaya shaqaalaha cisbtilaaka iyo gaadiidka caafimaadka ayaa dhamaan dhaawacyadaas soo gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Gaadiidka ciidanka Dab-demiska ee taliska guud iyo xarunta Ibraahim Koodbuur ayaa gurmadkan ka qayb qaatay, waxaana iyaguna dhankooda ku wehelinayay laamaha ciidanka Booliska caasimada Hargeysa oo baadhaya sababta dhalisay in dhismahaasi soo dumo.

Ugu dambayn ciidanka ayaa ku guuleystay in dhammaan shaqaalahaas soo daad-gureeyaan waxaana hadda lagu dabiibayaa cisbtilaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Leave a Reply