Wershada Daqiiqda Al-wadaniya oo iska difaacday eeddeymo loo jeediyey

0
911

Maamulka sare ee Wershada soo saarta Daqiiqda ee Al-wadaniya ayaa jawaab ka bixiyey cabasho ka soo yeedhay Xamaaliinta Dekedda Berbera oo ku andacooday in xuquuq ay leeyihiin oo xamaali ah laga duudsiyey.

Iyaga oo daba socda eeddeynta ka soo yeedhay Geellaha dekedda ka xamaasha iyo qoraal uu soo saaray Maayirka Magaalada Berbera, waxa ay masuuliyiinta wershadaasi soo bandhigeen caddaymo ay ku muujinayaan nidaamka ay dekedda wax ugala soo degaan oo ah mid aan wax xamaal ah ka shaqayn.

Maareeyaha guud ee wershadaasi oo warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey halka uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya Wershadooda iyo Xamaalinta, isagoo xusay in arrintaasi ay dabada ku hayso masuuliyiin fawdo abuuraya oo dabada ka riixaya cabashada aan sharciga ku dhisnayn ee xamaalinta.

Masuulkan ayaa soo bandhigay qoraallo ay guddi xukuumadda ka socdaa ka soo saareen arrin ay cabashada ka qabaan Xamaaliintu, waxaanu intaasi ku daray in ay kalsooni buuxda ka qabaan xaqiiqo-raadinta guddida madaxweynuhu u magacaabay khilaafka ka dhexeeya shaqaalaha dekedda ka xamaasha iyo wershadaasi.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply