Ninkayga Hala Iga Furo, Waayo Raaligelentiisa Ayaa Badan

0
469

Gabadh u dhalatay dalka Hindiya ayaa arrin yaab leh ku kacday. Haweenayday  ayaa tagtay maxkamadda degmada Sambhal ee gobolka Uttar Pradesh ee dalkaasi Hindiya, waxaana ay ka codsatay in laga furo ninkeeda. Markii la weydiiyay sababta ay isaga furaysana waxa ay sheegtay inuu aad u jecel yahay oo aanay marna dhibaato kala kulmayn, canaan, dagaal iwm midkoodna in aanay ku qabin ninkeeda.  Lamaanahan ayaa wada joogay muddo 18 bilood.

Wadaadka Qaadiga maxkamadda  ayaa aad ula yaabay  gabadhan markii ay sheegtay sababta ay furiinku ku doonayso inay intaasi oo keliya tahay. Wadaadka ayaa wax yar ka dibna diiday arjiga codsigeeda kuna tilmaamay wax aana macquul ahayn.

Sida lagu daabacay wargeyska “Hindi daily Dainik Jagran” ee dalkaasi oo uu soo xiganayay “timesnownews.com” ayaa sheegay in markii wadaadku diiday codsiga gabadhan ay u gudbisay maxkamad kale taasi oo iyana u sheegtay in aanay awood u lahayn go’aan ka gaadhida kiiska noocaan ah oo aanay hore u arag.

Codsigeeda ayay gabadhani si cad ugu sheegtay in aanay nafsad u hayn jacaylka xad dhaafka ah ee ninkeeda.  “ Waa nin aan weligay igu qaylin , imana niyad jebin. Wax kasta waa uu iga caawiya , isagoo mararka qaarkood cuntada ii kariya, waxaana uu iga caawiya hawlaha guriga, runtiina anigu niyad uma hayo jacaylka noocaas ah ayay tidhi”.

Waxa kale oo intaasi raacisay anigu waxaan rabaa nin aan la doodo, ma rabo nolol uu ninkaygu wax kasta aqbalayo oo uu raali ka noqonayo.

Gabadha oo mar kale la weydiiyay inay jirto sabab kale ayaa ku jawaabtay in aanay jirin. Waxaana la sheegay in lamaanahan qaab nololeedkoodu uu aad u kala fog yahay oo aanu is waafaqayn , sida awgeed ay nolosha isku fahmi waayeen , iyadoo la wado qorshe arinkooda xalkiisa lagu gaadhayo, oo ay labada lamaane isku raaci doonaan. (timesnownews.com)

 

 

 

Leave a Reply