8 Sano Ayuu U Xidhnaa Denbi Aanu Gelin!

0
459

Ninka lagu magacaabo Fritz Moen oo ahaa nin xishood badan oo dhega la’. Moen waxa kale oo haysatay dhibaato dhinaca hadalka ah, waxaana uu ahaa naafo, laakiin caqli wanaagsan iyo xusuus fiican leh, ayaa sanadkii 1987 la xidhay laguna xukumay 18 sano xadhig.

Moen ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday isla markaana dilay gabadh 20 jir oo Norway u dhalatay, inkasta oo aan denbigan wax cadayn ah loo helin.

Haddaba sanadkii 2005 ayaa lagu magacaabi jiray Torhespo oo wakhtigaasi sakaraadku hayay, kuna jiray saacadihii ugu danbeeyay noloshiisa qirtay inuu dilay saddex halbood oo ah kalkaaliyaal caafimaad , isagoo si buuxda u wada tilmaamay goobihi uu ku dilay iyo magacyadoodii oo ay ka mid ahayd gabadhii loo haystay dhegoolaha. Isla saacadahaasi ayaa la sii daayay dhegoole Moen oo u xidhnaa kiiskaasi 8 sano.  Maxkamadda ayaa dhaleecaysay baadhista booliiska ee kiiskaasi.

 

Leave a Reply