Guurka Iyo Caadooyinka Cajiibka Ah

0
516

Qaarad la moodka Hindiya ah ayaa bulshooyinka ku nool  koox kasta dhinaceeda u leedahay dhaqano iyo caadooyin kala duwan marka ay dhinaca guurka noqoto.  Caadooyinka cajiibka ah ee guurka waxa ka mid ah noocyadan:

Guurka bulshada Barahama: Nooca guurkan waa in aabaha Inanta dhalay uu u raadiyo ninkii guursan lahaa inantiisa isagoo ka eegaya dhinca akhlaaqda iyo aqoonta madaama inanta uu dhalay siinayo.

Marka uu aabahu ku guulaysto inuu soo helo wiil astaamaasi leh oo wiilkuna ka ogolaado wuxu inantiisa usoo bandhigaa inay iyaduna wiilkaasi uu usoo helay ogashahay iyo in kale. Haddii ay sidaasi ku waafqado labada qoys ayaa isu yimaadda ka dibna diyaariya xafladii guurka iyo rooska.

Guurka Arsha: Waxa kale oo caan ka ah guurka bulshada Arsha oo ah isna guur cajiib ah, waxaana ninka guur doonka ahi yarad ahaan ugu keenayaa aabaha dhalay gabadha,  neef  Sac ah iyo wayl, ka dibna waxa uu u ogolaanaya inuu u guuriyo inantiisa,  iyadoo wakhtiga arooska dhacayo la isla meel dhigayo oo goobtaasi lagu dhamaynayo.

 

 

 

 

Leave a Reply