“Taiwan Waa Gurigiinii Labaad” Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan Mr. Joseph Wu

0
512

TAIPEI (Dawan)–Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah u furatay Safaaradda ay ku yeelanayso  caasimadda  TAIPEI ee dalka Taiwan.

 

Xaflada furitaanka xafiiska Somaliland ay ku yeelanayso dalkaas ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, kaas oo ku yaala goobaha ay dagan yihiin xafiisyada diblamaasiyiinta dalalka safaaradaha ku leh dalkaasi.

 

 

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in tan iyo bishii July uu sii xoogeysanayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Tawain, kaas oo ku salaeysan  qiyam wadaag, xoriyad iyo dimuqraadiyad, Waxa kaloo danjire Maxamed Xaaji uu intaas ku daray in cilaaqaadka saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan  aanu cidna dhibaato u laheyn.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Mr. Joseph Wu ayaa tilmaamay inuu soo dhaweynayo xafiisyada  diblomasaasiyadeed ee labada dal isweydaarsadeen, waxaanu xusay in xafiiska Somaliland ka furatay dalkiisa uu bog cusub u furayo xidhiidhka labada dawladood.

“Taiwan waa gurigiinii labaad, inaga iyo kuwa aynu isku fikirka nahay waxaan horumarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,”ayuu yidhi Mr Wu.

 

Wasiirka Khaarajiga Taiwan wuxuu sheegay in Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashanayaan mashaariic la xidhiidha Beeraha, Kalluumaysiga iyo Macdanta.

Leave a Reply