Madaxweynaha oo Sharaxay Cilaaqaadka Somaliland la yeelatay Taiwan iyo Caalamkaba

0
436

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo farriin muuqaal ah kaga maanta qaybgalay  furitaanka Safaaradda Somaliland ku yeelanayso Taipei, ayaa ku bogaadiyey dawladda Taiwan inay aqbashay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xafiis Wakiil ka furato dalkeeda.waxaanu   sheegay in ay bilaabayaan sidii loo xoojin  lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Taiwan iyo dalalka kale ee adduunkaba.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu iftiimiyey inay Somaliland kaalin ka geysato xasiloonida iyo adkeynta nabadgelyada Geeska, isla markaana ay ka shaqeynayso sidii cilaaqaad wanaagsan ula yeelan lahayd dalalka jaarkeeda ah, Afrika iyo caalamka oo dhanba.

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu intaas ku daray in  Cilaaqaadka ay la yeesheen Taiwan aanu dalna  duullimaad ku ahayn, wuxuuna tilmaamay in labada waddan ay wadaagaan Arrimaha Dimuqraadiyadda, siyaasadda iyo xoriyadda ganacsiga.

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xusay in dhaqaalaha adduunku uu isbeddelayo isla markaana Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqonayaan xuddunta masaalixda caalamiga ah.

 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey  in xafiiska Wakiilka Somaliland uu kor u qaadi doono xidhiidhka ganacsi, siyaasadeed iyo horumarineed ee labada wadan ee Somaliland iyo Taiwan.

 

 

 

Leave a Reply