Berbera: Hanti Dhawrka Qaranka Oo Xidhay Laba Masuul

0
492

Berbera (Dawan): Hanti dhawrka qaranka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay laba xubnood oo ka mida masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolka Saaxil.
Labadan xubnood oo kala ah isuduwihii hore ee gobolka ee wasaaradda deegaanka ee gobolka Saaxil iyo xisaabiyihii wasaarada deegaanka ee Saaxil.
Sida uu xaqiijiyay ku-xigeenka hanti dhawraha guud ee Somaliland Sacad Riiraash, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera.
Waxaanu sheegay in karib baadhitaano ay maalmahan ka wadeen xafiisyadda laamaha dawladda ee gobolka Saaxil ay xalay ku xidheen labadaas masuul ee ka tirsan wasaaradda deegaanka.

Daawo: Sacad Riiraash Oo Arrimahaas ka hadlaya:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply