Taliye Taani Oo Kormeeray Fadhiisimadda Ciidanka Qaranka ee Sool

0
509

Jidbaale (Dawan): Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeer ku soo maray aagaga ciidamadda ee deegaamo ka tirsan gobolka Sool.
Waxaanu taliyuhu soo kormeeray goobo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo oo ay kala dhex fadhiyaan ciidamadda qaranku.
Taliye Taani, waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay wasiirrada arrimaha dibadda iyo warfaafinta ee Somaliland.
Badhasaabka gobolka Sool, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland iyo saraakiil kale oo ciidan.

Iyadoo taliyaha iyo wasiirrada la socdayba ay warbixino ka dhegaysteen saraakiisha ciidamadda ee ku sugan jiidaha fadhiisinka u ah ciidamadda.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply