Natiijada Maamulaha Caawiyay Saboolka

0
473

Gilberto Baschiera, oo ah maamule xarun Baanka ah oo ku yaalla dalka Taliyaaniga,  ayaa lacag gaadhays hal-milyan oo euro ka xaday sanduuqyada (Accounts) dadka maalqabeenka ah, lacagtaasi ayuu ku taageeray dadka saboolka ah ee baahan.

Farsamadan ayuu muddo 7 sano ah waday, waxaana uu lacagtaasi uu gudbinayay sanduuqyada dadka saboolka ah. Iyadoo ay cadaatay in aanu hal doler keliya aanu isagu ka isticmaalin. Waxaana la sheegay inuu lacagtaasi dayn ahaan u siinayay saboolka ka dibna ay ku celinayeen accounta dadka maalqabeenka ah iyagoon ogaan.

Arrintan ayaa la ogaaday markii dadkii uu daynta siiyay qaarkood iska bixin kari waayeen daymihii ay qaateen, arintaasi oo keenaty in maamulaha Baschiera ay ka fashilanto farsamadii uu ku taageerayay saboolka waxaana markaa dhibaato la kulmay maamulaha.

Maamulaha ayaa shaqadii laga eryaya iyadoo isla markaana la iibiyay gurigii uu lahaa. Waxa kale oo maxkamaddu ku riday xukun laba sano ah oo xadhiga ah, inkasta oo markii danbe damiin lagu sii daayay.  (Dailymai  October)

Leave a Reply