Bulshada Dunida Ugu Cimriga Dheer

0
1030

Hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayaa cadaysay in dalka Japan yahay dalka dadkiisu ay ugu cimri dheer yihiin dunida. Waxaana ay hay’ddu sheegtay in Japan dumarkooda uu cimirigoodu gaadho 90 sano, halka raggana uu ka yahay 84 sano.  Dadka Maraykanka ayaa iyaga  ragoodu gaadhaa 76 sano, halka dumarkooduna uu ka yahay 81 sano.

Dadka reer Japan ayaa tirada dadkiisu hoos u dhacday wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka oo ay kala kulmeen dagaalo iyo guuldaro culus oo Maraykanka iskaga hor yimaadeen. Waqtigaasi wixii ka dambeeyey waxay noqdeen kuwo shaqo adag galay, iyaga oo noqday kuwo caalamka meel sare ka gaadhey, laakiin maaha sababta keentay in cimrigoodu dheeraadaa mid taas la xidhiidha ,gaar ahaan hoos u dhacaasi ee waxa jira ariimo kale.

 

Laakiin su’aasha ah maxay dadka reer Japan u noqdeen kuwo ka cimri dheer dadka kale jawaabteedu,waxaanay noqonaysaa,dadka reer Japan waxay ku dedaalaan raashinka ay cunaan inuu noqdo mid dheeli tiran,iyaga oo ka caafimaad badan cuntada ay isticmaalaan dadka Maraykanka. Hilibka waxay ku bedeshaan Kaluunka, Saliidana Caano, waxa kale oo ay aad u cunaan Bariiska,Shaaha,Fuulka dhirta ah, iyo khudaarta kala nooca ah.

Japan waxa ay iska ilaaliyaan waxyaabo haddii cuntada lagu kariyo laga qaado Kansarka Caloosha.

Dadka Japan waxa ay ka taxadiraan isku buuqa iyo werwerka (Stress-ka) oo aan loo ogolayn dadka waaweyn, iyada oo loo diro shaqooyin, sidoo kalena ay iyaga laftoodu qabtaan iyaga oo is xil qaamaaya, gaar ahaana shaqooyinka guriga agagaarkiisa laga qabanaayo.

Dadka waaweyn ee reer Japan ayaan wax dulsaar ah bixin caafimaadkooda marka la daryeelaayo  ,waxaanay noqdeen dadka ugu tayada wanaagsan caalamka caafimaad ahaan iyo shaqo ahaanba, waxaana dadka japan sanadkii Isbitaalada tagaan 12 jeer oo uu baadhis caafimaad isku sameeyo.

Leave a Reply