Baro Wakhtiga Shaqada Iyo Muhimadiisa

0
641

Nasiib wanaag hadaad hayso shaqo, isku day inaad xidhidh adag la samayso dadka aad la shaqayso, adigoo ka caawinaya hawlaha gaarka u ah, inaad si xeel dheer u barato nooca iyo masuuliyadda shaqadaada waa muhiim.

Kalsooni ku qab Shaqadaada iska ilow dhaliilaha iyo Cabashooyinka ka soo horjeeda. Xidiidh toosa la samayso dadka kaa sareeya, bar naftaada wakhtiga shaqada iyo muhiimadiisa.

Baadh inaad ogaato qiimaha aad kaga jirto goobta shaqada, baro dhamaan wixi xirfada ee aad u hesho wakhtiga shaqada adoo galinaya wakhti iyo tamar dheraada.

Noqo qof ku socoda hadaf cad, ha noqon qof dabaysha la socoda, Shaqadaada waafaji yoolkaga fog. Kaalmee shaqaalaha kale hadii ay jirto baahi shaqo ama nololeed, ha ogolaan in aad shaqada awadeed uga tagto ujeedo aan cadayn. Ka ilaali naftaada arimaha hoos u dhigaya, sida Cabashada, Caajiska, Khiyaamada, isla weynida, Beenta, Laalushka iyo caadaysiga shaqo habsaanka. Waana inaad noqotaa shaqaale hadaf sare leh si ay naftaada iyo dalkaaguba u gaadhaan horumar.

Leave a Reply