Hargeysa: Dhaqdhaqaaqa Saylladaha Xoollaha iyo Sicirka Adhiga Ciidda Carafo

0
534

Hargeysa(Dawan)-Dhaqaaqa Saylladaha Xoolaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa laga dareemayey mashquul maalmahan loo diyaar-garoobayo Munaasibada Ciiddal-adxada ee fooda inagu soo haysa.
Ciidda Carafo oo ah Ciidda labaad ee ugu weyn Islaamka, ayaa waxa qofkii karayaa lagu waajib yeellay inuu qalo Neef Adhi ah, waxaana ugu badan oo ay dadku qashaan Maalinta Ciidda Carafo Iddaha.
Sicirka Adhiga ayaa aad u sareeya Sanadkan marka la barbar dhigo Ciiddii kal hore, sida ay sheegeen qaar kamida Jeebleyaasha ka ganacsada Adhiga oo Wariye ka tirsan Warbaahinta Dawan ugu waramay mid kamida Sayladaha Adhiga lagu Iibiyo ee Magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply