Wasiirka Maaliyada oo Talooyin u Jeediyay Baanka Dhexe iyo Kuwa Gaarka loo Leeyahay

0
395

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay Baanka Dhexe iyo baananka gaarka loo leeyahay inuu macaamilkoodu noqdo, sida kuwa caalamka, isla markaana u diyaarsanaadaan inay qabtaan shaqo kastoo bangi looga baahdo.

Baanka Dhexe ee Somaliland oo soo qabanqaabiyey shalay kulan lagagana doodayey caqabadaha ay maraan lacagaha baahida ganacsi dibedaha loogu diro, isla markaana ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Maaliyadda iyo Maalgashiga, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Gudoomiyeyaasha Baananka Gaarka loo leeyahay, Ururka Xawaaladaha dalka, Ururka Baananka iyo shirkada DP World ayaa si weyn looga dooday hanaanka loo fududeyn karo.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in wax walba ku xidhan yihiin sida aynu u waajahno, loogana baahan yahay madaxda bangiyada inay nidaamyadda caalamka la jaanqaadaan, isagoo yidhi,

“Baanka dhexe iyo baananka gaarka loo leeyahay waa inay u dhaqmaan sida kuwo ka diiwaangashan caalamka, isla markaana dhamaan adeegyada baananka caalamigu bixiyaan laga helo, si ay kalsooni u abuuraan.” ayuu yidhi.

Dr Sacad ayaa ugu baaqay madaxda metelayey bangiyada kala duwan inay yeeshaan wada shaqeyn dhexmarta kuwa caalamka, waxaanu yidhi,

“Inaad la yeelataan xidhiidho wada shaqeyneed bangiyada caalamka waa muhiim, iyo inaad ka shaqeysaan sidii bangiyada caalamiga ee hanaanka Islaamka ku shaqeeya dalka u iman lahaayeen.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumada looga baahan yahay, kana hawlgeli doonto sidii ay ugu qanci lahayd dawladaha caalamka in bangiyadoodu dalka yimaadaan.

Wasiirka Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii caalamka loogu badhigi lahaa fursadaha dalkeena ka jira, si loo helo cid ka soo jawaabta, waxaanu yidhi, “Hadii aynu dunnida u abuurno baahi, waa la aqbalayaa, markaa iyadoon la dhaafayn shuruucda iyo xeerarka caalamka u yaala qorshayaal diyaarsanno.” ayuu yidhi.

Wasiirka Maalgashiga ayaa sheegay in jiritaan la’aanta bangiyo caalami ah oo dalka ka shaqeeya yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee maalgashedayaasha caalamku weydiiyaan.

uu han leeyahay una tartamayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland, ka dibna isbahaysi la yeeshay Xisbiga Kulmiye.

 

 

Leave a Reply