Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Shaacisay In Duur Joogta Shacabku Haystaan Loo Rarrayo Xarunta Debis

0
430

“Waxaan u mahad celinayaa wasaaradda Maaliyadda oo si weyn u maalgelisay xaruntani oo u hagar-baxday”…

Qore: Khadar Cabdi Muuse
Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay in ay dhawaan duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan loo rarri doono xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Debis.

Xarunta Debis oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayay wasaaradda deegaanka Somaliland gacanta ku haysay labadii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana ay imika ka socotaa diyaarintaa qaybtii la dejin lahaa duur joogta Dugaagga ah.

Halkaasoo ay imika joogaan tiro badan oo ka mida duur joogta kala duwan ee ay gacanta ku hayso wasaaradda deegaanka Somaliland, kuwaasoo isugu jira Deerro, Goodirro, Sakaarro, Adeeryo, Cawl, iyo noocyo kale.

Wasiirka deegaanka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi oo kormeer ku tegay xarunta xanaanaynta duur joogta ee Debis, ayaa sheegtay in dhawaan ay xaruntaasi gayn doonaan duur joogta ay gacanta ku hayaan dadka shacabka.

Wasiirku waxa ay tilmaantay in xarunta Debis oo ay ku jiraan duur joogta kala duwan in la qorsheeyay sidii dhawaan loogu soo darri lahaa in la geeyo duur joogta Dugaaga ah, sida Harimacadka iyo noocyo kale.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Xaruntani oo markii hore ay haayado naga caawinayeen, imika na ay wasaaradda deegaanku gacanta ku hayso. Waxaa jooga shaqaale joogto ah, oo si fiican uga shaqeeya, oo deggan xarunta. Duur joogtii laga keenay Hargaysa ayaa jooga, qaar kaloo iyaguna meello kale laga keenay ayaa jooga.
Waxaa iyaguna imika dhamaaday, xarumihii loogu tallo galay in lagu hayo Libaaxyadda, iyo Harimacadka. Harimacadka, iyagana waa loo diyaariyay meeshoodii”.

“Intii danbe oo dhan dawladda Somaliland ayaa kharashka maalgelinaysay. Si wanaagsan ayuuna dhimismihii u socdaa. Muddo dheer ayaanay qaadanaysaa inta ay si wanaagsan isugu dubo dhacayso.

Waana wax qorshaysan, oo qorshaheedda gacanta lagu hayo. Si wanaagsan ayaanu u socdaa. Meeshan oo markii hore Seerre-kaymeed ahayd, ayaa loo gartay in ay nqoto xarunta lagu xanaaneeyo duur joogta noocyadeedda kala duwan. Waana la soo kordhin doonaa xaruntani.” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Geesta kale, wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ku boorisay bulshadda in ay joojiyaan xayawaanka ay duurka ka soo qabsanayaan ee ay guryahoodda ama hudheeladda ku haystaan.

Xayawaankaasi oo ay sheegtay in ay dhibaato ku qabaan meelaha lagu hayo, sidoo kalena ay dadka laftoodu dhibaato ku qabaan.

Waxaanay tidhi wasiirku, “Dadka waxaan leeyahay duur joogtan aad dhulkeedii ka soo guranaysaan iska daaya. Xayawaankiina dhib bay ku tahay, dadkii hayayna dhib bay ku tahay. Markaa dhulkoodda in loo daayo ayaa loo baahan yahay”.
Wasaaradda deegaanka Somaliland waxaa ka caawiyay bilawgii xaruntaasi haayado caalami ah oo kala duwan. Balse labadii sanadood ee u danbeeyay waxaa ka gacan siinaysay wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Wasiirka Shukri Baandare, ayaa ugu baaqday cid kastoo danaynaysa in ay gacan ka siiso caawinta xaruntaasi in ay soo dhawaynayaan.
“Cidii doonaysa in ay Garrab nagu siiso, waanu soo dhawaynaynaa. Hore na waa la noola soo shaqeeyay, imika na diyaar ayaanu u nahay cidii nagala shaqaynaysa. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa” ayay tidhi wasiirku.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ku amaantay wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo xaruntaasi maalgelinteedda ka gacan siisay wasaaradda deegaanka.

Waxaanay tidhi, “Waxaan u mahad celinayaa wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo runtii si weyn isku xil-qaantay, oo noo maalgelisay xaruntani, oo u hagar-baxday. Duur joogtaa meel walba ku daadsana la isugu soo ururin lahaa”.

Leave a Reply