Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo u Goodiyey Xildhibaanno Aragtidiisa Diiday

0
449

Qore: Saciid Cagjar

 

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci darro ku tilmaamay Heshiis ay wada gaadheen Xildhibaanno ka tirsan UCID iyo Xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in Xildhibaannadaas ay ka hor yimaadeen Siyaasaddii iyo sharcigii Xisbiga.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo u warramayey BBC, waxa uu xusay in ay Sharcigu dhigayo in kuraasta ay banneeyaan Xildhibaannada sharciga jebiya, waxaanu yidhi ”Xildhibaankii jabiya sharciga xisbiga Ucid kursiga ayuu banaynayaa, Xildhibaanimadooda waanu ka qaadi doono kuwii ku xigay ayaa soo geli doona booskooda”.

 

Kow iyo toban xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa kasoo horjeestay qorshaha isbahaysiga Xisbiyada mucaaradku ku doonayaan shir-guddoonka golaha wakiillada iyo masuuliyiinta ay u cumaamadeen, waxanay  heshiis la galeen Xisbiga Kulmiye.

Heshiiska ayuu nuxurkiisu ahaa sidii wada-jir loogu dhisi lahaa saddex xildhibaan oo kasoo kala baxay xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo ay labada dhinac isla garteen inay noqdaan xubnaha noqon doona shir-guddoonka golaha wakiillada, kuwaas oo kala ah xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo xisbiga KULMIYE u sharraxay guddoomiyaha golaha wakiillada, Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u kala sharraxan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiillada, kana soo baxay xisbiga UCID.

Leave a Reply