Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Masuuliyiin Caydhiyey Kuwa Cusubna Magaacabay

0
449

Qore: Saciid Cagjar

 

Hargeysa-(Dawan)-labada Xisbi Mucaarad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Waddani iyo UCID ayaa magacaabay laba masuul oo cusub kuwaasi oo lagu bedelay masuuliyiin Xisbiyadaa laga caydhiyey.

 

Xisbiga Waddani ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan u magacaabey Agaasimaha Xarunta Dhexe ee xisbiga Waddani, iyadoo xilkan uu horey u hayay Xildhibaan Jamaal Diiriye oo isna horey u sheegay in uu han leeyahay ka dib xilka laga qaaday.

 

Dhinaca kale Xisbiga UCID ayaa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir u magacaabey ku xigeenka xoghayaha guud ka dib markii xilkaa laga qaadey Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo hore u sheegay in uu han leeyahay ka dibna isbahaysi la yeeshay Xisbiga Kulmiye

Leave a Reply