Cisbitaaladda Burco iyo Hargeysa oo qalab la Gaadhsiiyey

0
532

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shalay Daawooyin iyo qalab kale oo caafimaad ku wareejiyay cusbitaaladda magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Daawadaasi iyo qalabkaasi ayaa loogu tallo galay in lagula tacaallo dadka shilalka gaadiidka ku waxyeelooba, Jajabka Lafaha iyo kuwa kale ee u baahda Qaliinadda.

Munaasibadii wareejinta daawooyinkaasi oo ka qabsoontay xarunta Kaydka daawooyinka wasaaradda caafimaadka ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cumar Askar, oo isagu labadda cusbitaal ee Burco iyo Hargaysa u wad aguddoomay daawooyinkaasi iyo qalabkaasi iyo Maamulaha Kaydka daawooyinka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ka warbixiyay noocyadda daawooyinkaasi ayaa sheegay in qalabkaasi ay ka mid yihiin daawooyin, qalab, dirays ama agabka loo baahdo marka uu qofku shil gallo.

Kuwa loo isticmaallo marka uu qofka dhaawac ku yimaado ama uu qaliin ku yimaado, ama uu qofku Dhaymo u baahdo ama Cudbiga dhaawacyadda lagula tacaallo iyo wixii kale ee ay u baahan yihiin.

Waxaanu yidhi, “Maanta (shalay) runtii sharaf weyn bay noo tahay, in aanu cusbitaaladda Hargaysa iyo Burco, daawooyin iyo qalab, iyo dirays ama agabka loo baahdo marka uu qofku shil gallo, ama uu dhaawac yimaado. Ama uu qaliin yimaado, ama Dhaymo ha noqot, ama Cudbi ha noqoto, ama wixii kale ee ay u baahan yihiin.

Dr. xergeeye, waxa uu kaloo uu sheegay in ay dhawaan cusbitaaladda kale ee dalka gaadhsiin doonaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, iyadoo ay ku xidhan tahay hadba baahiyahoodda, isla markaana ay dhawaan kormeer shaqo ku soo sameeyeen dhamaanba cusbitaaladda dalka.

Kormeerkaasi shaqo oo ay ku soo wadda ogaadeen cusbitaal waliba baahidoodda ugu badan ee haysata. “Cusbitaaladda kale ee dalkana dhawaan ayaanu u qabin doonaa wixii kale ee ay u baahan yihiin, ee daawooyin ah.

Iyadoo ku xidhan baahiyahoodda oo aanu soo aragnay, anagoo dhawaan kormeer shaqo ku soo wadda marnay, oo soo wadda ogaanay mid waliba baahidoodda ugu badan ee haysta” ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Geesta kale agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa Dr. Cumar Askar, oo isagu labadda cusbitaal ba u wadda guddoomay daawooyinkaasi iyo qalbakaasi ayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland uga mahad celiyay daawooyinkaasi ay ku wareejiyeen.

Waxaanu sheegay in ay helitaanka qalabkaasi iyo daawooyinkaasiba baahi weyn u qabeen, isla markaana ay rejaynayaan in dad badan lagu bad-baadin doono naftahoodda.

“Waxay noo tahay farxad iyo guul, in aanu helno daawooyinkani, qalabkani, iyo agabkani, oo ah muhiim, oo aasaas u ah dadka shilalka ku waxyeelooba iyo Qaliinka, oo dhan dadka u baahan anfici doono.

Qalabkaasi oo isugu jira, kuwa wax lagu Qallo iyo daawooyinkoodii. Daawooyinkaasi oo daawayn kara ilaa kun qof. Runtii waa baahi aad loogu baahnaa. Waxaanan rejaynaynaa in dad badan lagu bad-baadin doono naftoodda”.

 

 

 

 

Leave a Reply