Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Kulan la Yeeshay Guddoomiyaha Laas group

0
593

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa  maanta madaxtooyada ku qaabilay ganacsade Axmed Cismaan Geele, waxa ay yeesheen kulan qaatay in ku dhow laba saacadood sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xusseen Jaamac (Raambo).

Xildhibaan Rambo ayaa warkan ku xaqiijiyay qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa facebook waxaanu yidhi sida tan:

“Madaxweynaha JSL wuxuu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ganacsade Axmed Cismaan Geele, guddoomiyaha Laas group. Waxa ay yeesheen kulan qaatay in ku dhow laba saacadood oo midho dhalay.“

Leave a Reply