Badhasaabka Sool Oo Digniin U Diray Siyaasiyiinta Soomaaliya In Ay Ololeyaal Ka Sameeyaan Deegaamadda Somaliland

0
357

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta ka soo jeedda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaasoo marka ay soo dhawaato doorashooyinkoodu ololeyaal siyaasadeed ka bilaaba.

Waxaanu sheegay maalmahan danbe deegaamo ka tirsan gobolka Sool oo xuduud la leh maamul goboleedka Puntland laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xidhiidha xulista ergooyinka soo dooranaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

C/qani Maxaxmuud Jiidhe, ayaa Carrabka ku adkeeyay in aan arrintaasi laga ogolaan doonin suurto galna aanay ka noqon doonin gobolka Sool, isla markaana ciidamadda boolisku ay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan cidii la arko iyadoo falal noocaasi ah ku hawlan.

Guddoomiyaha gobolka Sool oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa mar kale ku celiyay digniintii uu hore ugu diray hudheeladda magaaladda Laascaanood ee ahayd in tallaabo laga qaadi doono cidii hudheelkeedda lagu qabto xaflado la xidhiidha doorashooyinka Soomaaliya.
Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Sool oo uu sheegay in ay hadda aad u wanaagsan tahay guud ahaanba gobolka gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Isagoona ciidamadda booliska magaaladda Laascaanood ku bogaadiyay sida ay Habeen iyo Malainba heeganka ugu jira sugidda amaanka magaaladda.

Waxaanu sheegay badhasaabku in ay imika meesha ka baxday Qorryihii iyo hubkii ay dadka shacabka ahi sida sharci darrada ah magaaladda dhexdeedda iska sidan jireen, isla markaana ay arrintaasi soo af-jareen.

Badhasaabka Sool waxa uu intaas raaciyay in cidii ku kacda falal nabadgeliyadda liddi ku ah in lagu dhaqaya ama loo raacayo xukunka denbiga uu galay xeerka ilaalinta anshaxa iyo nabadgeliyadda guud ee xeer LN. 51/2012.

Dhinaca kale, C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa kaloo uu ka hadlay arrinta doorashadda guddoomiyaha golaha Wakiialdda Somaliland oo la filayo in dhawaan lagu doorto fadhiga u horeeya ee ay yeeshaan golaha Wakiiladda cusub.

Taasoo uu tilmaamay in guud ahaanba bulshadda Somaliland ay muddooyinkanba aad u hadal hayso, isla markaana uu ku rejo weyn yahay in kursigaasi loo doorto ama uu ku guulaysan doono xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu sheegay in uu wax badan ummadiisa u soo shaqeeyay.

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply