Agaasimaha Cusbitaalka Degmadda Sheekh Oo Baaq U Diray Qurbe Joogta Degmadaaai

0
493

Sheikh (Dawan): Agaasimaha cusbitaalka degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda Somaliland gaar ahaana qubre joogta u dhashay degmadaasi in ay ka soo qayb qaataan dayactirka dhaawacyo soo gaadhay dhsimaha cusbitaalkaasi.

Dhaawacyadaasi oo cusbitaalka soo gaadhay xili dib u habaynta lagu samaynayay ayaa ah inuu biyaha roobka soo Darroorinayo cusbitaalku xiliyadda uu roobku da’ayo.

Taasoo uu sheegay agaasimuhu in ay u baahan tahay in hadda wax laga qabto, isla markaana haddii ay biyahaasi sii socdaan ay cusbitaalka dhibaato u gaysanayaan.

Dr. Cumar Cabdi Maxamed, oo maanta warbaahinta kula hadlay degmadda Sheekh, yaa ugu baaqay dhamaanba bulshadda Somaliland iyo jaaliyadaha ku nool dibadaha ee u dhashay degmadda Sheekh in ay ka soo qayb qaataan sidii Darroortaasi wax looga qaban lahaa.

Waxa kaloo uu agaasimaha cusbitaalka degamdda Sheekh sheegay in ay iyagu ka cusbitaal ahaan iyo ka dawlad ahaanba ay diyaariyeen qiimayn ay ku sameeyeen sidii wax looga qaban lahaa dhaawacaasi soo gaadhay Jiingadda cusbitaalka.

Geesta kale Dr. Cumar, waxa uu sheegay in cusbitaalka degmadda Sheekh uu ku yaallo meel aad u muhiima oo hal-bawle ah, maadaama oo uu marro Dawga Sheekh, kaasoo shilalka ka dhacaa ay aad u badan yihiin marka loo eego inta kale ee dalka.

Taasoo uu sheegay agaasimuhu inuu custaalka Sheekh daboolay baahidii ahayd in xiliyadii hore marka uu shil dhaco in dhaawacyadda loo diri jiray magaaladda Berbera.

Dhinaca kale agaasimaha cusbitaalka degmadda Sheekh Dr. Cumar, waxa uu ka hadlay addeegyo cusub oo caafimaad oo ay cusbitaalka ku soo kordhiyeen, gaar ahaana Hooyadda iyo Dhalaanka.
Kaasoo ay wadda jir u fulinayaan wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo haayadda UNFPA.
Barnaamijkaasi caafimaad oo ah in addeegyadda caafimaadka laga kaxeeyo magaallooyinka oo la gaadhsiiyo dhulka Baadiyaha ah ee fog fog, iyadoo loo diyaariyay gaadiidkii loogu addeegi lahaa bulshadda.
Waxaanu sheegay agaasimuhu in haweenka ay Fooshu ku qabato meelaha Baadiyaha ah ee fog fog in ay u diyaariyeen baabuurka Anblunace-ka ah ee lagu soo qaadayo.

Leave a Reply