PEGASUS: QALAB BASAAS OO AAD U HALIS BADAN!W.Q. Xuseen Deyr

0
1163

Waa Maxay Qalabka loo yaqaan PEGASUS ee wax lagu basaaso ama wax lagu jabsado?

Sidee buu qalabkani u dhex galaa ama u hack gareeyaa Telefoonada?

What is Pegasus spyware and how does it hack phones?

PEGASUS waa magaca loo yaqaan qalabka waqtigan xaadirka ah ugu casrisan ama ugu awooda badan ee loo adeegsado arrimaha wax basaasida (spyware) ama arrimaha wax lagu HACK gareeyo (jabsado) telefoonada.

Qalabka Pegasus marka uu dhex galo telefoonkaaga, adigoo aan xataa ogayn ama aan ka war qabin, waxa uu awood u leeyahay in uu adiga iyo telefoonkaagaba 24-ka sacadoodba si joogto ah u basaaso.

Pegasus wuxuu awoodaa:
• In uu koopi gareeyo oo uu gudbiyo dhammaan farriimaha qoraalka ah ama codka ah ee aad dirto ama laguu soo diro sida (sms, WhatsApp, messenger, imessages, etc);
• In uu duubo (recording) oo uu gudbiyo telefoonada aad dirto ama laguu soo diro sida (sms, WhatsApp, messenger, Apple iMessages, etc);
• In uu koopi gareeyo oo uu gudbiyo sawirrada iyo video-yada gaarka ah ee kuugu kaydsan telefoonkaga;
• Telefoonkaaga oo xataa aad damisay, Pegasus wuxuu awoodaa in uu furo kamarada ama makarafoonka telefoonkaaga dabadeedna uu si sir ah kaaga duubo wax kasta oo aad samaynayso (hadal iyo muuqaalba);
• Pegasus waxa uu si joogto ah ula soconayaa ama uu u xaqiijinayaa meel kasta oo aad ku sugan tahay, meel kasta oo aad booqatay iyo cid kasta oo aad kulan la yeelatay ama aad la hadashay.
Pegasus waa qalab wax lagu basaaso ama wax lagu jabsado (hacking software or spyware) oo aad u khatar badan. Waxa sameeyey, soo saaray, Waddamada Dunidana ka iibiya shirkad laga leeyahay dalka ISRAEL oo la yidhaahdo NSO Group. Pegasus wuxuu awood u leeyahay inuu dhex galo billions telefoono ah oo dunida ku baahsan oo ku shaqeeya nidaamka iOS ama Android (operating systems).

Qalabkan Pegasus waxa lagu basaasay ama telefoonadooda lagu jabsaday dad badan oo ay ka mid yihiin Boqorro, Madaxweynayaal, Ra’isal Wasaarayaal, Looyaro, Dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha, iwm. Waxa ka mid ah Madaxweynaha Faransiiska, M/weynaha South Afrika, M/weynaha Ciraaq, Boqorka Marooko, Ra’iisal Wasaaraha Pakistan, iyo qaar kaloo badan!

Haya’daha Warbaahineed ee arrinta daba galay, waxay xaqiijiyeen Waddamo toban ah oo adeegsada barnaamijkan wax lagu basaaso ee laga leeyahay dalka Israel. Waddamadaa waxa ka mida ah: Azerbaijan, Bahrain, Kazakhstan, Mexico, Morocco, Rwanda, Saudi Arabia, Hungary, India, and the United Arab Emirates.

Ugu dambayntii, qalabka PEGASUS waa qalabkii lagu basaasay ee lagu shirqoolay suxufigii caanka ahaa ee Jamal Khashoggi magaalada Istanbul 02/10/2018.

Leave a Reply