Golaha Deegaanka Gabiley oo Baaq u Diray Dadweynaha

0
411

Hargeysa (Dawan)-Golaha Deegaanka Degmada Gebiley oo bulshada degmada ku nool ugu baaqay in ay kala qayb galaan olole lagu qurxinayo Gebiley.

Duqa degmada Gabiley Maxamed Amiin Cabdi Cumar, ayaa qaybaha kala duwan ee bulshad ku  nool magaalada Gabiley ugu baaqay inay ka qayb qaataan ololahaasi.

Maxamed Amiin duqa degmad Gabiley isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Ololaha aynu dhagaxa ku beegsanayno ama aynu dhagaxa magaalad kaga ururinay waxa uu ka bilaabmi doona haddii ALLE yidhaaho beri salaada subax guud ahaan magaalada Gabiley.

Qaab ahaan waxa aanu ugu talo galnay in uu u kala qaybsamo isla markaana laga ururiyo afarta xaafadood ee magaalada, hawlgal ahaana xaafad walba gaarkeeda uu hawlgalkaasi uga socdo, golaha degaanka Gabiley ayaa horkici doona guud ahaan, ololahan, isaga oo ku saleysan xaafadaha magaalada iyada oo xaafad kasta iskeed isu abaabuli doonto, inay ololahaasi u diyaar garoobaan, haday tahay ardayda, haday tahay culimada, haday tahay haweenka, haday tahay dhallinyarada, haday tahay ganacsatada”

 

Leave a Reply