Sheekh Maxamed Haybe oo Sheegay in Dhambaalka Sinada ka Horeeya Yahay Heesaha iyo Muusiga oo laTumo

0
446

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa sheegay in heesaha iyo muusiga oo la tuma ay quluubta dilaan, isla markaana ay xumaanta ku beeraan, sidoo kalena ay yihiin dhambaalka Sinada ka horeeya.

Sidoo kale Sheekhu waxaa uu xusay in waxyaabaha quluubta bini’aadamka dila ay yihiin xumaanta oo faafta iyo xishoodka oo yaraada.

Dhanka kale waxaa uu soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto wax ka qabashada heesaha habeenkii laga tumo Huteelad iyo sidoo kale bandhig faneedyada lagu qabto gudaha magaalada.

Sheekh Maxamed Haybe waxaa uu sidan ka sheegay khudbadii Jimcaha ee maanta isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaa la yidhaaho heesaha iyo Muusiga oo la isku garaaca Quluubta ayay dilaan oo lifaaqa ku beeraan, Muusigu waa dhambaalka Sinada ka horeeya.

Waxa quluubta dila waa waxa keena, xumaantu inay faafto, xishoodkuna inuu yaraado, sida Khamrigu u baddelo caqliga ayaa heesuhuna nafta u baddelaan.

Dadka da’yartu waa in ay aakhiradooda u tudhaan oo iska daayaan heesaha, telefoonkaaga yaanay heesi kugu soo dhicin, duco ku duubo, nashiido ku duubo, duco ku duubo, ascalaykum ku duubo”

Waar dadka heesaha halooga digo, maanta waxaa inoogu darani waa daroogada iyo heesaha, haddii la doonayo in dalku horumar gaadho waa in wax laga qabtaa heesaha iyo naadiyada habeen oo dhan Huteelada looga garaacayo innaguna waa in aynu ka qayb qaadana dadaalada lagu joojinayo, heesaha iyo daroogooyinka”

Leave a Reply