DAWLADDA HOOSE EE GEBILAY OO OLOLE NADAAFADEED KA FULISAY XAAFADAHA MAGAALADAASI

0
422

Dawladda hoose ee degmada Gebilay ayaa olole nadaafadeed ka fulisay xaafadaha kala duwan ee degmada Gebilay, kaasoo dhawaan ay ku dhawaaqeen xubnaha golaha deegaanku.

Ololahan ayaa lagu beegsanayay goynta geedka garanwaaga, dhagaxaanta tuulan magaaalada gudaheeda, kuwaas oo ay sheegeen mas’uuliyiinta dawladda hoose ee degmada Gebilay inay dhib weyn ay ku hayeen bulshada, iyagoo dhanka kale waday beerista dhir qurux badan oo loogu talo galay in lagu beero guryaha hortooda iyo sidoo kale in nalalka iftiinka lagu xidho fiyaaradaha hore ee guryaha si ay u caawiso nabadgalyada magaalada.

Maayarka degmadaasi Aamin Cumar oo uu weheliyo guddoomiyaha ku xigeenka gobolka Gebilay Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) ayaa sheegay in ololaha ay bilaabeen saaka 4 subaxnimo kana qayb galeen dadka ku nool afarta xaafadood ee ay ka koobantahay degmada Gebilay, waxaanu tilmaamay in ololuhu socon doono illaa Gebilay laga dhigayo magaalo nadiif ah. Isagoo intaas ku daray in ololahan oo kale la qaban doono todobaadkii hal maalin.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Gebilay Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ololahan ay ugu talo galeen sidii magaalada looga dhigi lahaa nadiif, taasoo wax ka taraysa buu yidhi badqabka guud ee bulshada degmadaasi.

Waxa ka qayb galay ololahan lagu nadiifinayo degmada shaqaalaha dawladda hoose ee degmada Gebilay, ururrada bulshada iyo haween weynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Gebilay. Ololahan ayaa loogu magacdaray NALA QURXI GEBILAY.

Leave a Reply