Xukuumadda Somaliland oo Ku Dhawaaqday Inay Hir gelinayso Xafiis Qaabilsan Faaf–reebka

0
398

Hargeysa-(Dawan)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladdeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadal ka jeediyey daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka.

“Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”.

Leave a Reply