Shirkadd Gaadiidka Bajaajta soo Dejisa oo Shaqo Abuur u Sameysay Dhallinyarada Magaalada Borama

0
703

Borama (Dawan) Shirkada TVS Geele Motors, ahna shirkad soo dejisa gaadiidka yar yar ee loo yaqaano Bajaajta ayaa fursado shaqo abuur u sameysay dhallinyarada magaalad Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Shirkada Shirkada TVS Geele Motors oo ay xarunteeda guud tahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal,ayaa waxaa kale oo ay xarumo ku leedahay Burco, Laascaanood Berbera iyo gobolka Gabilay.

Waxaa kale oo ay ka shaqaysaa isla markaana ay gaadiidka ay keento ay gaadhsiisay dalka Soomaaliya iyo dalalk kale oo ka mid ah wadamada Geeska Afrika.

Wariyeyaal ka tirsan Wargeysyada Dawan Media Group oo safar shaqu ku tegay xarunta gobolka Awddal ee Boorama ayaa waraysiyo kala duwan la yeeshay dhallinyarada ku shaqaysta gaadiidka Bajaajka oo ah gaadiidka koobaad ee dadweyne ee ka shaqeeya gudaha magaalada Boorama iyo deegaanada ku dhaw dhaw,ayaa wargeyska Dawan u sheegay in ay ka faa’iideen isla markaana gaadiidka Bajaajku uu noqday mid yididiilo nololeed geliyay dhallinyarada Boorama meeshana ka saaray shaqo la,aantii baahsanayd ee ay muqaaxiyaha la fadhiyeen.

Qaar ka mid ah dhallinyada ku shaqaysta gaadiidka Bajaajka ee u waramay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in ay ka guursadeed isla markaana ay guryo hanta ahna ay ka dhisteen.

Dhallinyarada oo keliyi kuma shaqaystaan gaadiidka Bajaajka laakiin waxaa kale oo wata rag waawayn oo waalidiin ah isla markaana ubadkooda iyo qoysaskoodaba baahiyahooda kala duwan ku daboola waxsoosaarka Bajaajka.

Oday waayeel ah oo ka mid ahaa dadkii wargeysku bajaajka wax ka waydiiyay siday nolosha qoyskiisa u dabooshay,ayaa sheegay in uu ka biiliyo qoyskiisa oo ka kooban dhawr iyo toban qof isla markaana uu 11 qof dugsiyo sare iyo jaamacad kaga saaray bajaajka intii uu ku shaqaysanayay.

Waxaanu intaa raaciyay in bajaajku uu yahay waxsoosaarka dhaqaale ee ugu wanaagsan ee ay haystaan bulshada ku shaqaysata ee Boorama dhallinayaro badanina ay shaqo ka heleen.

“dadka bajaajka ku shaqaystaa waxay isugu jiraan qaar iyagu leh oo iibsaday iyo kuwo kiraysta labaduba si wacan ayay noloshooda ugala soo baxaan waxaan anigu intaan watay ku masruufayay qoyskayga oo ka kooban labaatan ku dhawaad waliba waxaan dugsi sare iyo illaa jaamacad aan kaga saaray 11 qof oo ka mid ah qoyskayga,waa gaadiid cusub oo iyagoo aan hortaa la dhaqaajin aad iibsanayso mana laha wax cillad ah oo lagu diido.”ayuu yidhi oday ka mid ah dadka bajaajka ku shaqaysta oo Boorama ku sugan.

Cabdixakiin Maxamed Cumar oo isna ka mid ah dirawaliinta Tahriibka kaga baaqsaday wadista gaadiidka yar yar ee Bajaajta ayaa tilmaamay in uu laba gaadhi oo kale ka iibsaday qadarkii lacageed ee uu ka helay mudadii uu dirawalka ka ahaa Bajaajta uu hadda wato.

Mustafe Nuux Maxamed Amiin oo ka mida dirawaliinta Bajaajta ee magaalad Borama ayaa mid mid isu dul taagay guulihii u ka gaadhay muddadii uu watay gaadhigan yare e Bajaajta ah. “Bajaajta waxa aan iibsaday oo igu horraysay 2013-kii, waxaan watay ilaa 2016-kii, marka Bajaajtu faa’iido aad u weyn ayay leedahay, kii shidaalka iibinayay faa’ido ayuu ka helayaa, kii wadayna faa’ido ayuu ka helayaa iyo kii iska lahaa ee qoyskiisa ku biilinayay, ilaa haddana waan ku shaqeysata oo saddex Bajaaj ayaan leeyahay, inamad dirawaliinta iga ahina waa ay ka faa’ideen, kanbaniga noo keenayna mar walba waanu u duceynaa.

Wax dayn ah kumaan bilaabin ee waan iibsaday, laba kun iyo shan boqol oo dollar ayaa la iga siiyay oo ay ii dheerayd sharaxaadeedii, guulaha aan ka gaadhay waxa ka mid ah in aan saddex xabo aan ka iibsaday”

Abshir Aw Cabdi Aadan ayaa ka hadlay mudadii uu gaadiidkan yar yar ku dhex jiray wadistooda iyo faa’iidooyinka u ka helay.“Anigu 11-sannadood ayaan watay gaadhigan yar ee Bajaajta ah, mid aan anigu leeyahay ayaanan ka bilaabay, imika tii koob iyo tobnaad ayaan wataa.

Gurina waan ka dhistay, saddex jagana waan ka iibsaday, waanan ka guursaday, horumar aad weyn ayay soo kordhisay oo dhallinyaradii magaalada Borama ayay indhaha u jeexday, qofkastana waxa u aamisan yahay in ay tahay gaadiid ay markaaba helayaan.

Degaanada aanu gaadhno waxa ka mida Tuli, Goraya-cawl, Harawa ka mida, ilaa Qulujeed waanu gaadhnaa, buur iyo bannaanba waanu marnaa”

Cabdixakiin Maxamed Cumar waxa uu tilmaamay in uu kaga baaqsaday halista tahriibka wadista Bajaajta.“Gaadiidkan yar yar ee saddexda lugood lihi, ee Bajaajtu faa’iido aad u weyn ayay soo kordhisay, waxa jiray dad bila camal ahaa oo tahriibayay oo Baddaha marayay maanta waalaga soo furtay oo qofkastaaba gaadhiyar oo Bajaaj ah ayuu wataa, muddo saddex sano ah ayaan wataa aadbaan ugu faa’iday oo laba Bajaaj ayaan hadda ka hayaa”

Dhinaca kale guddoomiyaha guud ee Shirkadda TVS Geelle Motors Cabdirisaaq Ibraahin Aadan,ayaa dhankiisa sheegay in dhallinyarada boorama ay shaqo abuur wanaagsan u sameeyeen isla markaana qofka lacagta kala badh la yimaadda isla markaana inta kale damiin keena in ay gaadiidka Bajaajka siiyaan isla markaana lacagta ku hadhay ay u soo xereeyaan si bil le ah.
Waxaanu intaa raaciyay in gaadiidka Bajaajku wixii ay isbeer baadh u baahdaan in aan dibedda loo doonan ee ay hayaan oo laga helayo dhammaan xarumaha TVS GEELLE MOTORS ay ku leedahay dalalka geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyarada ku shaqaysata Bajaajka marka ay gaadiidka ka iibiyaan in ay tababarna ku siiyaan muddo uu kula qabsan karo dirawalnimada gaadiidka Bajaajka,waxaanu meesha ka saaray muddadii ay shirkaddu jirtay in wax cabasho ah oo gaadiidka Bajaajka ja timi in ay soo gaadhay.

Leave a Reply