Laascaanood: Qorshaha maamulka cusub ee Golaha Deegaanka, heerka dakhliga Magaalada iyo howl-gallo socda

0
701

“Madaxweynuhu dalka isagaa masuul ka ah, aniguna Degmada Laascaanood ayaan Maayir ka ahay waxa na mideynaysa danta Qaranka..

“Waxaan rajjeynayaa in sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaallaa ay na hagi doonto oo aanu ku wada shaqayn doono Xukuumadda…

“Shacabka Laascaanood, Waxa Cashuurta bixiya Boqolkiiba afar iyo labaatan (24%)”Waraysi Maayarka Laascaanood C/rixiin C. Ismaciil

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Maayarka Magaalada Laascaanood, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmadaasi Cabdirixiin Cali Ismaaciil oo Wargeyska Dawan waraysi gaar ah kula yeeshay khadka Telefoonka ee Magaaladaasi, ayaa ka waramay waxyaabaha golaha deegaanka ee uu hogaaminayo uga qorshaysan horumarinta Magaaladaasi iyo talaabooyinka uu qaaday ilaa hadda oo uu dhowr todobaad Xafiiska joogay.

Maayirka oo aanu waraysigan wax kaga waydiinay qorsheyaasha ugu muhiimsan ee hadda miiska u saaran, heerka dakhliga u soo xerooda dawladda hoose ee Laascaanood, howlaha Olollaha nadaafada ee ay bilaabeen Maayarrada kale ee dhigiisa ah iyo aragtida uu ka qabo wada shaqaynta Xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyo Maayarrada ka soo baxay Asxaabta Mucaaridka oo uu kamid yahay iyo qodobo kale, ayaa sheegay inay degmadaasi tahay degmada ugu hoosaysa xagga dakhliga degmooyinka derejada (A), isla markaana shacabka Magaaladaasi ee cashuurta bixiyaa ay ku qiyaasan yihiin boqolkiiba afar iyo labaatan, sidaasi awgeed ay hadda u socdaan kulamo ay ku baraarujinayaan Ganacsatada iyo hormuudka bulshada sidii kor loogu qaadi lahaa cashuur bixinta.

Mudane, Cabdirixiin Cali Ismaaciil, waxa kale oo sheegay in muddadii saddexda todobaad ahaa ee ay shaqada la wareegeen maamul ahaan iyo gole ahaanba ay howlo badan dhaqaajiyeen, howlahaas oo ay kamid yihiin waddooyin intii kala guurka dad xidhay oo la furay, kuwana howlgalkoodu socdo iyo guddiyo isku-xidhka Maamulka iyo bulshada ah oo ay sameeyen.

Waraysigan oo aanu idiinku soo gudbin doono Su’aallo kala duwan oo Wargeysku waydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey Maayarku, ayaa waxa ugu horayn wariye Saleeban Kalshaale uu waydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyey Qorshaha golaha Deegaanka iyo maamulka cusub ee uu hogaaminayaa ugu talogaleen inay ku waajahaan howlaha Maamul ee ay la wareegeen.
Waxaan ku jawaabay sidan;-

J. Haddii aanu nahay golaha Deegaanka Degmada Laascaanood, waxaanu u diyaarsanahay amma qorshahayagu yahay inay Magaalada Laascaanood mustaqbalka dhow noqoto haddii alle ka dhigo degmo la jaan-qaada degmooyinka kale jamhuuriyadda Somaliland ee la heerka ah amma Geeska Afrikaba oo aanu dib u habayn balaadhan ku samayno xagga Qorshaha Magaalada, Bilicda Magaalada, aanu kor u qaadno adeegyada Biyaha, Waxbarashada Caafimaadka iyo waddooyinka. waxa noo qorshe ah mustaqbalka dhow in laamiyada Magaalada wixii ay Dawladdu hore u hirgelisay mooyee, wixii waddooyin ah ee qorsheysan ee dhiman aanu si deg deg ah u dhamaystirno ayaa qorsheyaasha noo yaalla kamida.

S: Muddadii aad iminka Xafiiska joogteen maxaad talaabo qaadeen?

J. Talaabooyin faro badan baanu qaadnay intaanu joognay, Magaalada oo waddooyinku xidhmeen amma intii kala guurka waddooyin badan la goostay ilaa 11 waddo ayaanu furnay, kuwo kalena waanu ku guddo jirnaa oo saakadan qaarbaanu furnay. Qashinkii Magaalada wax badan baanu ka qabanay. isku xidhbaanu samaynay Maamulka iyo Bulshada ah oo aanu guddiyo ka samaynay, markaa qorsheyaal badanbaa noo hirgalay dhowr iyo labaatankii cisho ee aanu xilka haynay.

S. Arrinta xagga Nadaafada oo ay inta badan Magaalooyinka waaweyn iminka ku howlan yihiin maxaad ka qabateen, idiinkase qorshaysan?

J. Haa Qorsheyaalbaanu u kala samaysanay, wixii qorshe fudud ahaa Gole deegaan ahaan iyo maamulka Dawladda hoose ayaanu ku waajahnay. wixii qorshe dambe ahaana sida meelihii markii hore qashinka lagu qubi jiray iyo howlihii waaweynaana dibaanu u dhiganay oo waxaanu doonaynaa si iskaa wax u qabso ah iyo iskaashi in aanu annaga iyo bulshadu u fulino oo haddii alle idmo todobaadka soo socda iclaamino oo u galno.
S. Markaa ma waxaad doonaysaa in aad qabataan Ololle guud sida Magaalooyinka kale?
J.Haa aad iyo aad

S. Dhinaca Waddooyinka ma waxaad samaynaysaan waddooyin cusub oo hor leh mise kuwo hore oo socday ayaad doonaysaan inaad dhamaystirtaan?

J. Labada qayboodba, waddooyin laami ah oo la sameeyey oo qaybi qabyo tahayna waa jiraan, kuwo aanu doonayno sahan cusub oo laami ah in aanu ka hirgelinaana waa jiraan.

S.Mudane Maayar Dawladda hoose ee Magaalada Laascaanood waa sidee Dakhligeedu, micnaha dhaqaale intee le’eeg ayaa ka soo baxa Magaalada oo idiin soo xerooda?

J. Magaalada dakhligeedu aad iyo aad ayuu u hooseeyaa. waxaan odhan karaa degmooyinka Derejeda A waxa degmada ugu dakhliga hoosaysa. dakhliga ka soo baxaa aadbuu u hooseeyaa. dadku ma bixiyaan cashuurta amma uba bisla oo sidii la rabay uma bixiyaan. Kastamkeeda gaab ayaa ku jira oo sida Kastamada kale dakhligu uga soo baxo, ugama soo baxo Kastamkan, markaa dakhliga Degmadu aadbuu u hooseeyaa.

S. Dadka reer Laascaanood boqolkiiba imisaa cashuurta bixiya amma aad ku qiyaasi kartaa tiradda cashuur-bixiyeyaasha?

J. Shacabka Laascaanood, Waxa Cashuurta bixiya Boqolkiiba afar iyo labaatan (24%)
S. Maxaad doonaysaan markaa in aad qorsheyaashiina ku fulisaan maadaama uu heerkaa taagan yahay dakhliga ka soo baxa Magaaladu?

J. Dakhliga waxa bixinayaa waa shacabka, waxa loo shaqaynayaana waa shacabka. waxaanu doonaynaa shacabka iyo annagu in aanu isfahamno. shirarbaa no socda hadday tahay Ganacsatada, hadday tahay culimada iyo hadday tahay Dhaqanka. waxaanu doonaynaa in aanu fahamsiino dadku inay cashuurta bixiyaan annaguna aanu ugu adeegno, waxna ugu qabano.

S. Ganacsatada ma qorshe gaar ah ayaad ka leedihiin mise sida dadweynaha ayuunbaad ula macaamilaysaan xagga cashuur bixinta?

J. Haa, Qorshe gaar ah ayaanu ka leenahay iyaga. waa dadka hormuudka u shacabka Ganacsadu. dhaqaalaha intiisa badanna ganacsataduu ku xidhan yahay, waxaan doonaynaa Ganacsatadu inay hormuud ka noqdaan cashuur bixinta,kulamo ayaa noo socda isfaham fiicanna wuu na dhex maray, waxaanan rajjeynayaa inay wax fiicani nooga hirgeli doonaan himillada aanu ka leenahay.
S. Muranka Dhulka maxaa idiinka qorsheysan?

J. Waxa nooga qorsheysan dadka in aanu kala saarno. dhulka laysku qabsado lama wada lahee qof uunbaa leh. dadku hadday helaan garsoor cadaallad ah cid isqabsanaysaa ma jirto, inshalah waxaanu rajjeynaynaa in aan qaylo dambe ka yeedhin.

S. Nin Dhalinyaro ahbaad tahay, waxaad ka soo baxday Xisbi Mucaarid ah Doorashadii, Magaalo ayaad Maayar ka noqotay, ma isleedahay shan sanno kaddib haddii alle kugu simo waxaad ka tegi doontaa Laascaanood ka duwan Magaalada aad maanta la wareegtay?

J. Aad iyo aad ayaan rejjo weyn uga qabaa Xisbigu mustaqbalka inuu wax badan ka bedeli doono dalka, taa aan xisbigayga ka qabo mid lamidaanan ka qabaa Xukuumadda maanta joogta iyo nidaamka hadda shaqaynaya anigoon ka dayrinayn, Madaxweynuhu dalka isagaa masuul ka ah, aniguna Degmada Laascaanood ayaan Maayar ka ahay waxa na mideynaysa danta Qaranka, waxaan rajjeynaynaa intaanu wada shaqaynayno Xukuumadda rejjo wacan oo umaddii na soo dooratay inay isbedel fiican hesho, beri ka maalina hadduu xisbigayagu ku guulaysto taladana aanu ka sii badino haddii ale Idmo.

S. Adiga iyo xubno kale oo ka soo baxay Xisbiyada Mucaaridka ayaa maayirro ka noqday inta badan degmooyinka waaweyn ee dalka, sidaad u aragtaan wada shaqaynta Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee talada haysa?

J. Dalka Sharci-baa ka jira, cid walba doorbay leedahay waxaan rajjeynayaa in sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaallaa ay na hagi doonto oo aanu ku wada shaqayn doono.

Leave a Reply