“Waxaan u Taagannahay u adeegidda Bulshada iyo Fulinta Amarada Xukuumadda.” Maayerka Boorama

0
390

Hargeysa(Dawan):- Maayerka Degmada Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmadaas Maxamed Axmed Warsame,ayaa sheegay in ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan dhammaan laamaha dawladda dhexe ee heer gobol iyo degmo isla markaana aanu noqon doonin Maayer cid gaar ah xil u haya balse uu yahay duqa madaalada Boorama isla markaana uu diyaar u yahay in uu iskuwado dhammaan dadweynaha boorama.

Waxaanu sidaa ku sheegay Maayerka Boorama waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan,waraysigaas oo aanu qaybtiisii hore caddaddkii sabtidii idiinsoo gudbinayay,ayaan qaybtiisii labaad cadadkan idiinku soo gudbinaynaa.

Maayerka degmada Boorama oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida ay u wada shaqayn karaan xukuumadda dhexe iyo maayer ka soo baxay sixbi mucaarid ahi ee ay u fulayaan adeegyadii looga baahnaa dawladaha hoose in ay bulshada u qabtaan,ayaa yidhi. “waxaynu ognahay in dalkeenu uu yahay dal dimuquraadi ah oo aynu samaysanay nimaadka asxaabta badan oo aynu kaga baxnay habkii qabiilka wax lagu dooran jiray taasina waxay keenaynaa in sadexdeena xisbi ciddii ka soo baxdaa ay u tartami karto in ay maayer noqoto,qofka markaa maayernimada ku soo baxaxisb xaakim ha ka soo boxo ama xisbiyada mucaaridka ah ha ka soo bexee isla markaana waxaa fuulaysa masuuliyaddii degmada Boorama ama degmada kale ee uu maayerka ka noqday,markaa masuuliyadda koobaad ee fuulaysa waxay tahay in uu ciddii dooratay iyo ciddii aan dooran ee degmada ahba uu u yahay masuulkii ugu sarreeyay,dawladda hoosena waa meel adeeg bulsho fulisa ee maaha kursi siyaasadeed.

Markaa masuuliyaddadu waxay tahay in aanu u adeegno umadda annagooisku xidhayna dawladda dhexe iyo bulshadayada degmada Boorama,dhammaantood liiskii xisbiyada een ku soo baxnay waan uga mahad naqaynaa laakiin,markii la I doortay ka dib waxaan noqday maayerka degmada Boorama waxaanu waajib iga saaran yahay in cid kasta oo dawladda hoose adeeg uga baahan in aanu u fulino.

Badhasaabku waxa weeyaan cidda madaxweynaha ka ah gobolka si toos ah ayaanu isugu xidhannahay wada shaqayn wacanina way naga dhaxaysa dhammaan isuduweyaasha laamaka dawladda ee heer degmo iyo gobolba si wacan ayaan u wada shaqaynaa taliyaha qaybta booliskana wada shaqayn fiican baanu leenahay,dhammaan cid kasta oo sharcigu siinayo in aanu wada shaqayno waxaanu u wada shaqaynayaa sidii xukuumad ahaaneed,taasina waxay caddaynaynaa si aanu kaalintayada kaga jirno adeeggii bulshada,ka dawlad hoose ahaanna waxaa layn minister noo ah wasaaradda arrimaha gudaha waxaanan ku shaqaynaa awaamiirta ay soo dejiso,Madaxweynuhu waa hoggaamintii qaranka ee dalka ugu sarreeyay markaa wax cuqdad ah kama qabno annagoo xisbiyo mucaarid ah ka soo baxnay in aanu u adeegno dadkayaga awaamiirta la fulinayaana waa amarada ka soo baxa Xukuumaddu dalka ku hagayso.”

Maayerka ayaa jawaab ka bixiyya mar wax laga waydiiyay in ay jiraan daymo uu la wareegay oo dawladda hoose ee Boorama lagu leeyahay,waxaanu sheegay in ay jiraan daymo kala duwan oo qaarkoodna ay yihiin kawo socda oo shaqadu ku xidhan tahay kuwona ay yihiin daymo muddo soo taagnaa oo dhawr maayer la kala wareegeen waxaanu u ballan qaaday cid kasta oo dayn sharci ah ku leh dawladda hoose ee degmada Boorama in ay waxeeda helayso,mar uu arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.

“daymaha dawladda hoose way kala duwan yihin qaar waa kuwo socda oo shaqadu ku xidhan tahay sida shidaalka =,mushaharka shaqaalaha isbeer baadhka iyo adeegyada noocaas ahi waa kuwo socda oo joogto ah waxaa kale oo jira daymo dawladda hoose ee Boorama lagu leeyahay oo qaarkod dhawr maayer la kala wareegeen sida gaadiid dawladda hoose loo iibiyay iyo Cagaf wayn oo dawladda hoose loo iibiyay oo lacagtoodii aan la bixin waxaanan u caddaynayaa cid kasta oo dawladda hoose dayn sharci ah ku leh in ay waxeeda helayso.”

Maayerka oo wax laga waydiiyay in ay jiraan dhul dan guud ah oo lagu wareejiyay,ayaa yidhi. “waxaa jira xeer nidaamkii dhulka wax lagaga bedelay oo ay ku wada shaqaynayaan wasaaradda Hawlaha guud iyo dawladaha hoose isla markaana meel kasta oo la qorshaynayo ay labadaasi iska kaashanayaan,markaa dhulka danta guud ah sida sariibadaha,sayladda xoolaha iyo kawaanku waa dhul dan guud ah oo cid kasta oo timaadaana ay sii maamusho laakiin dhul dan guud ah oo loo qorsheeyay in wax laga dhiso dan guud ah sida isguul,MCH ama dhul la yidhi waa intaas oo baloodh oo bannaan oo dan guud ah oo nalagu wareejiyay ka dawlad hoose ahaan ma jiro.”

Leave a Reply