Halista Dawooyinka Dhirta Ah!

0
595

Hu Willin waxa uu ahaa oday Shiine ah oo goob cilaaj ah ka furtay magaalada Miyanatag ee dalka China, waxa uu dadka ku dawayn jiray dhiro kala duwan.  Sandkii 1980 ayaa la xidhay iyadooo lagu eedeyay tuugo. Mudadii uu jeelka ku jiray ayuu sameeyay fikrado cusub. Sanadkii 1993 ayuu jeelka ku sameeyay tababar noocyada dhirta iyo sida la isugu daweeyo.

Haddaba sanadkii 1997 oo ahayd markii jeelka laga sii daayay waxa uu markiiba furtay xarunta Cilaajka isku dawaynta dhirta, iyadoo uu ka furay  gobolka shanty, HU Willin haba yaraate muu ahayn mid haysta rukhsad caafimaad oo dawladu bixiso. Sanadkii 1999 ayaa la xidhay markii dad badan oo cabanaya ay u sheegeen dawladda inuu siiyay dhir uu dawo ugu sheegay oo ay u dhinteen dad eheladooda ah.

Baadhis la sameeyay waxa la ogaaday in dad gaadhaya 150 qof oo uu siiyay dhiro kala duwan oo aan ku haboonayn ay dhamaantood u dhinteen isticmaalka dhirtaasi.

Odayga Hu ma lahayn aqoon caafimaad isla markaana muu haysan rukhsad.  Maxkamadda ayaa ku xukuntay sanadkii 2000 xadhig 15 sano  ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.  Dadka u dhinta sababo daawooyin laga siiyo goobo aan aqoon caafimaad lahayn ayaa wakhtigan ku sii badanaya dunida aqoonteeda caafimaad ay aad u hoosayso.

Leave a Reply