Dadka Weedhaha Xun Haku Dhibin!

0
379

Drs. Perpetua Neo oo ahayd dhakhtarad dhanka cilmi-nafsiga ah ayaa sheegtay in Dhammaanteen aynu leenahay caadooyin khariban iyo fikrado khaldan. Kuwaasi oo waxyeelo u geysanaya dhegaha dadka kale, waxaana ay taasi inaga dhigaysa kuwo faafinaya nacayb iyo  kala fogaansho bulshada dhexdeeda.

Waxaa kale oo ay tidhi: “ waa in aynu nafteena baraa sidii aynaan weedhaha dadka ugu dhibin”. Waxaana ka mid ahaa caadoyinka xun ee ay tahay in la iska ilaaliyo:In dadka kale ceebahooda aad aragto taasi oo keenaysaa inay kaa niyad-jabaan sidaa darteed joogitaankaaga way dhibsanayaan, maadaama ay daqiiqad kasta kaa filan karaan inaad ceebtooda banaanka keento.

Inaad markasta wado weedhaha waa la yidhi iyo beeno aan jirin waxa ay kaa dhigaysaa qof  la karaahiyaysto.

Inaad qofka kasta dacaayadayso oo aad xaqirto, waxa ay kaa dhigata qof  dadka badankoodu ay neceb yihiin.

Maxaa yeelay dacaayadda ayaa inteeda badani ay tahay been iyo buunbuunin aan jirin. Ogow in hadalka yar iyo aamusaantu ay yihiin xikmad ay dadku kugu jeclaan karaan.

 

 

Leave a Reply