Waanadii Iyo Cafiskii Beenoobay !

0
376

Gudoomiyaha deegaanka ayaa dadkii u jeediyay khudbad waxaana uu ku dhiira geliyay inay dadlaan oo isku duubnaadaan isla markaana is saamaxaan. Isagoo ku dhiiriyay cafiska waxaana uu cadeeyay in haddaan la is cafiyin aanay awoodi doonin inay sameeyaan horumar iyo wax wada qabasi.

Waxaana uu si adag ugu dhiirigeliyay in qof kastaa wixii uu ka cadhooday ee lagu sameeyay iska dhaafo oo ilaabo.  Markii uu khudbadii iyo waanadii dhameeyay ayay gabadhiisa oo ka mid ahayd dadkii gaadhigiisa ku soo qaaday, mudadii ay dhexda ku soo jireen ayay ku tidhi :”  waxaan doonaya inaan arin ku sheego waayo waxa saamayn igu yeeshay wacdigii iyo waanadii aad jeedisay”.

Ninka ayaa ku yidhi ii sheeg. Waxaana ay ku tidhi: ”Saacadii dahabka ahayd ee aad iibisay ayaan dib u xaraashay, waayo waxaan u baahday lacag, markaa waxaan doonayaa inaad  arinkaasi iga cafido oo aad isaamxado madaama aanan ku ogysiin markii hore”.

Ninkii ayaa gaadhigii joojiyay isagoo aad u cadhaysan ayuu ku yidhi :” Waxa aad ku hadalayso waa maxay? , waxaad samaysay tuugo, mana dhici karto! Tuugo maa la cafiyi karaa oo la saamixi karaa? “.

Gabadha oo dhoola cadaynaysa ayaa ku tidhi: “ Waar gaadhiga inoo kexee saacadna maan iibine, waa tan gacantayda ku xidhane, waxanse la yaabay, cafiska aanad adiguba samayn karin sida aad dadka ugu waaninayso, dadka aad u sheegayso inay is cafiyaan xumaan kala duwan ayaa dhex martay,! Adigoon xataa xaaskaaga cafiyo Karin sideed bulsho kale ugu waanin karaysaa cafiska?,

Waxa fiican in arinka kasta oo aad dadka ku wacdiyayso kuna waaninaysa uu noqdo mid aad adigu samayn karto,  Dad badan ayaa arrimo iyaga ku adag dadka kale ku dhiirgeliya samayntooda. Iska jir arinkaasi, waana denbi weyn.

Leave a Reply