“Qaybtan VIP waxaa lagu soo qaatay lacag dhan $180,000 qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi baa dhacay”…

0
461

Laascaanood (Dawan): Maayarka Laascaanood ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu muddo gaaban ku bur-burro garroonka Kubbadda cagta ee Cabdi Bille Cabdi oo ay waxyeello soo gaadhsiiyeen daylo xoogan oo maalmahan ka dhacayay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu ku dhaliilay shirkadii la siiyay qandaraaskii dib u dhiska iyo dayactirka garroonkaasi in ay hagratay, isla markaana ay musuq maasuqday dhismahaasi oo aanay si daacad ah ugu hagar bixin.

Maadaama oo muddo sideed bilood ah laga joogo xiligii lagala wareegay ama ay dhamasytirtay shirkadii garroonkaasi dib u dhiska iyo dayactirka ku samaysay garroonka Kubbadda cagta Laascaanood.

Maayar C/raxiin Cali Ismaaciil, oo maanta soo kormeeray garroonka Cabdi Bille Cabdi ee magaaladda Laascaanood oo ay waxyeelo ka soo gaadhay Dabaylaha Xaggaaga oo maalmihii u danbeeyay si xoog leh uga dhacayay magaaladaasi.

Duqa degmadda Laascaanood waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha deegaanka ee Laascaanood iyo isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, waxaanu sheegay maayarku in garroonkaasi dib u dhis iyo dayactir ay ku samaysay xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasoo ay ku baxday lacag aad u badan.

Maayarka ayaa si gaara tusaale ugu soo qaatay qaybta VIP da ee garroonkaasi oo ay waxyeeladda ugu weyni soo gaadhay, iyadoo qaybtaasi oo keliya lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Isagoona qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi ku eedeeyay in shirkadii garroonkaasi dhistay ay ku kacday.
Waxaanu yidhi, “Qaybtan VIP-da ee aan imika joogno waxaa lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Sideed bilood ayaana laga joogaa markii lagala wareegay shirkadii garroonkan dhistay. Waynu arkaynaa halkaa qayrul-masuulnimo weyn baa ka dhacday, dulmi baana ka dhacay”.

“Waxaanu leenahay shirkadaha wax dhisaa, marka koowaad waa in aad ILLAAHAY SWT kaga baqdaan masuuliyadaa la idiin dhiibay. Waxaad wax u dhisaysaan waa dalkiinii, waana dadkiinii.
Shirkadaha dhismuhu waa in qandaraasyadda ay qaadanayaan ay ka daayaan musuq maasuqa”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Geesta kale maayarku waxa uu sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan si deg deg ah wax uga qabanayaan waxyeeladda soo gaadhay garroonka Cabdi Bille Cabdi, isla markaana ay la kaashan doonaan wasaaradda ciyaaraha Somaliland.
Waxaanu yidhi, “Anagu ka dawlad hoose dhibaatadan ku dhacday garroonka ee ay dabayshu keentay, wax alla wixii garroonkan soo gaadhay, iyo wixii kale ee dayactir ah ee uu u baahan yahay ba, in aanu qaybta ugu weyn ka qaadano. Anaga ayaana dabooli doona, anagoo la kaashanayna wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Waxaanu balan qaadaynaa in aanu si deg deg ah u dhisi doono”.

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply