Madaxweynaha Somaliland oo isugu yeedhay Golaha Wakiillada ee Cusub

0
455
Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021
Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub
Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey;
In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply