“Xisbiyadu uma yeedhin karaan mudaneyaashu ciday shir-guddoon u dooranayaan iyagaa xaq u leh waxaana aqlabiyadii haysta”…

0
334

Hargaysa (Dawan): Af-hayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni, ayaa ku dhaliilay is-baahaysiga mucaaradka ah ee xisbiyadda mucaaradka Somaliland in ay hanan kari waayeen xildhibaanadii xisbiyadoodda ka soo baxay.

Waxaanu sheegay in kadib markii ay is-baahaysi samaysteen labadda xisbi mucaarad in iyaguna xisbi ahaan ay ka hawl galeen sidii ay ugu guulaysan lahaayeen shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland.

Buuni ayaa ka difaacay xod-xodashadda xisbiga Kulmiye ee xildhibaanadda ka soo baxay labadda xisbi mcuaarad oo qaarkood ay xisbiga Kulmiye is-baahaysi la samaysteen.

Halka qaarkoodna ay cadeeyeen in ay shir-guddoonka Kulmiye soo xulay u codayn doonaan marka la gaadho doorashadda shir-guddoonka.
C/naasir Buuni, waxa uu sidan ka sheegay dooddii laanta Af-Soomaaliga ee BBC ee maanta oo ku saabsanayd loolanka loogu jirro hanashadda shir-guddoonka golaha Wakiiladda cusub ee Somaliland.

Waxaana doodaasi ka qayb galay af-hayeenka xisbiga Kulmiye, iyo af-hayeenka xisbiga UCID Yuusuf Kayse, iyo garyaqaan Guuleed Axmed Dalfac, oo ah garyaqaan madax banaan.

Af-hayeenka xisbiga Kulmiye oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Shacbigu mudaneyaal ayay soo doorteen, mudaneyaashuna xaq qaanuuni ah ayay u leeyihiin in ay shir guddoon doortaan. Mudaneyaashii ay dadku doorteen arrintu way soo dhaaftay, oo imika waxaa la isku hayaa shir-guddoonka, oo ay xildhibaanadu irraadadoodda ku dooranayaan.

Waxaana aqlabiyadii imika haysta oo ay xildhibaanadu dooranayaan, oo cad, oo iyagoo tirrada ugu badan ku midoobay xisbiga Kulmiye… way jirtaa in labadda xisbi mucaarad markii ay midoobeen in ay aqlabiyad heleen.

Laakiin, saddexda xisbi qaran midna tirro ku filan ma helin. Weliba tiradda ugu yar xisbiga UCID baa helay. Markaa mudaneyaasha soo baxay shir-guddoonka ay dooranayaan iyagaa xaq qaanuuni ah u leh.

Laba yaan la isku khaldin, in shacabku xildhibaanadii ay doorteen… Mudaneyaashu dhamaantoodba waxay u soo wadda wareegeen xisbiga talladda haya. Waxaanay ku doorteen, iyagaa xaq u leh cidda ay shir-guddoon u dooranayaan. Xisbiyadda qarankuna uma yeedhin karaan, cidda ay u codaynayaan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Ma jirro qaanuun diidaya in ay labadda xisbi mucaarad is-baahaystaan. Siday iyaguba isku kaashadeen ayaanu anaguna isku kaashanay, oo aanu garrab iyagii ka mid ah la soo wareegnay. Sharci diidayaana ma jirro.

Haddii iyagu siyaasad ay ku qanciyaan ay waayeen, oo ay raggii u riyaaqeen xubnaha aanu shir-guddoonka u soo sharaxnay iyo siyaasadda xukuumadda, oo iskaashiga dhex maray iyaga iyo xukuumadda ay u arkeen dan qaran, mucaaradku ha aqbalaan” ayuu yidhi af-hayeenka xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale C/naasir Buuni, ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye aan si gaarra looga guulaysan doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii bishii May ee sanadkan, isla markaana saddexda xisbi midkoodna aanu helin tirro ku filan xildhibaanadda.

Waxaanu yidhi, “Xisbiga Kulmiye xisbi gaar ah oo doorasho ka helay ma jiro. Saddexda xisbina mid tirro ku filan helay ma jirro.

Laakiin, cid baa la is kaashanayaa. cid baanad is kaashateen, ee cidaa aad is-kaashateen, aqbala. Anaguna waanu aqbalsan nahay. Goluhuna isagaa xor u ah cidda uu u dooranayo shir-guddoon”.

Geesta kale af-hayeenka Kulmiye ayaa ayaa difaacay heshiiska xubnaha UCID ay la galeen Kulmiye, taasoo uu ku tilmaamay mid siyaasadeed oo xisbi kastaaba uu xaq u leeyahay. Waxaanu yidhi, “Waxaad qancin waydeen mudaneyaashii idiin soo baxay.

Xildhibaan C/naasir Qodax oo kale han buu lahaa, oo inuu shir-guddoon noqdo, xaq ayuu u leeyahay. Dastuur buu dalku leeyahay iyo shuruuc ka farcanta iyo xeerar dalka u yaalla, intaa midna kuma xusna. Qodob qabanayaana ma jirro, Ceeb weyn bayna ku tahay, in mudane la soo doortay ay labadda xisbi mucaarad ku qasbaan inuu shir-guddoonkoodda u codeeyo”.

Dhinaca kale, C/naasir Buuni, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrinta la xidhiidha in xukuumadu ay dhaqaale dawladeed u addeegsatay xildhibaanadda mucaaradka ah, isla markaana xisbiyadda mucaaradka ah iyaga laftoodu ay isticmaalaan cashuurta dalka.

Af-hayeen Buuni, ayaa intaas raaciyay in madaxweyne Biixi ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu xaq u leeyahay inuu ka shaqeeyo guusha iyo dhismaha xisbigiisa.

Waxaanu yidhi, “Madaxweyen Biixi, oo ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxaa waajib ku ah inuu siyaasadda xisbigiisa ka shaqeeyo.

Sida guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaaradba uga shaqaynayaan. Lacagta cashuurta ah ee laga qaado bulshadda miisaaniyadda xisbiyadda mucaaradku ku socdaan ayay ka mid tahay. Yaanay iska dhigin kuwo aan cashuurta dalka qayb ku lahayn isticmaalkeedda.

Laakiin, markay iyagu dan leeyihiin bay yidhaahdaan laaluush baa la bixinayaa. Ku kalsoonaadda mudaneyaashii xisbiyadiina ka soo baxay ee aad u soo sharaxdeen shir-guddoonka. Golaha ayay ka hor cadaan doontaa cidda ay xildhibaanadu u doortaan shir-guddoonka Wakiiladda”.

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply